Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Image

KAMPALA, Uganda — Saddexda mas’uul ee ugu sarreysa dhinaca amniga Soomaaliya — Wasiirka Gaashaandhigga, La-taliyaha Amniga Qaranka iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) — ayaa ka maqan shirarka heerka sare ee howlgalka AUSSOM ee ka socda magaalada Kampala.

Mahad Salaad iyo Axmed Maclin Fiqi ayaa la sheegay inay ku maqan yihiin doorashada Galmudug, oo ay ka shaqeynayaan sidii Liibaan Shuluq ku guuleysan lahaa, maadaama Villa Somalia taageerayso.

Shirarkan oo soconaya illaa berri, soona billowday shalay ayaa waxaa isugu yimid dalalka ciidamada ku biiriya Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo ka arrinsanaya mustaqbalka howlgalka ka hor inta uusan dhammaan waajibaadkiisu bisha December 2026.

Kulamada waxaa ka qeyb galaya taliyeyaasha ciidamada difaaca, wasiirrada gaashaandhigga iyo madaxda dowladaha ee dalalka ciidamada ku leh Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saarayo wejiga xiga ee taageerada amniga caalamiga ah ee Soomaaliya.

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka, kuwaas oo is weydiinaya heerka ka qeybgalka dowladda federaalka ee qorsheynta mustaqbalka howlgalka xilli uu marayo marxalad xasaasi ah.

AUSSOM ayaa wajahaya caqabado dhaqaale iyo kuwo hawlgal, iyadoo dalalka ciidamada ku biiriya ay raadinayaan qaab lagu sii wadi karo taageerada amniga Soomaaliya kaddib isbeddellada ku yimid maalgelinta caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM