Masar: Mas'uuliyad ayaa naga saaran inaan difaacno Madax-banaanida Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Masar ayaa ku celisay inay mas’uuliyad ka saaran tahay inay Soomaaliya ka ilaaliso gardarada iyo faragelinta dibadda, iyadoo ku doodaysa inay midaasi u ogolaanayso xeerka Qaramada Midoobay.

Masar ayaa ogolaatay in ay ciidan ku biiriso howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) kaas oo bedelaya howlgalka (ATMIS) laga bilaabo January 2025 laakiin codsigaas waxaa ka hortimid Itoobiya oo danaynaysa inaysan Soomaaliya noqon meel looga soo duulo.

Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, ayaa sheegay in Midowga Afrika uu taageeray tallaabadii ciidamada ugu soo dirayaan Soomaaliya, taasoo qasabtay in qeybtii ugu horeysay la geeyo dalka ku yaalla Geeska Afrika.

“Waxaa jirta mas’uuliyad Masar ka saaran tahay inay caawiso Soomaaliya iyo inay difaacdo madax-bannaanideeda si waafaqsan sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiirka.

Qaahira ayaa xustay in eedeymaha ah inay Masar u tagtay dano gaar ah dalka Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in shirkii dhawaan ka dhacay Asmara ee ay isugu yimaadeen hogaamiyaasha Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya lagu soo gebagebeeyey heshiiskaas oo taageero buuxda loogu muujiyay dowladda Xasan Sheekh.

Warsaxaafadeedka waxaa looga hadlay rabitaanka dowladda Soomaaliya ee joogitaanka Masar iyo ka qayb qaadashada ciidamada qalabka sida ee Masar howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Masar ayaa August 2024 heshiis dhanka difaaca la gashay Soomaaliya, kadibna isla bishaas usoo dirtay labo diyaaradood oo military kuwaasoo Muqdisho keenay hub aad u badan, iyadoo ka dambeeyay markab kusoo xirtay dekadda oo isna hub keenay.

Dad badan ayaa aaminsan inay dowladda Xasan Sheekh Soomaaliya lugaha u gelisay colaadda webiga Nile, oo quwadaha Masar iyo Itoobiya isku hayaan, iyadoo Masar hadda billowday inay xiriiro militeri la sameysato Eritrea iyo Soomaaliya si ay cadaadis u saarto Itoobiya, oo uga horistaagto damaceeda inay badda cas gaarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM