Masar oo masaafurisay Somali tahriibayaal ah

Image

04 January, 2016(GO)-Dowladda Masar ayaa dalkeeda kasoo masaafurisay 60 qof oo la sheegay inay yihiin Somali qaab sharci darro ah dalkaas ku soo galay islamarkaana doonayay inay u tahriibaan waddamada Yurub.

Waxa sidoo kale xukuumadda Qahira xabsiga dhigtay saddex qof Somali ah kuwaas oo lagu eedeeyay inaysan haysan sharci ay ku sii daganaadaan dalkaas.

Arrintan ayaa timi kadib markii Masar shaacisay inay adkaynayso goobaha laga tahriibo maadaama marin u noqotay ajaanib iyo muwaadiniin badan oo doonaya inay galaan waddamada reer Galbeedka.

Horey ayaa sidaan oo kale xabsiga loo dhigay ajaanib badan kuwaas oo laga soo qaybtay goob laga raaco doonyo si sharci darro ah dadka u tahriibiya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM