Mas'uul ka tirsan garoonka Aadan Cadde oo shaqada laga eryay [Sabab]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadda Favouri oo laga leeyahay dalka Turkiga, taasi oo gacanta ku haysa madaarka Aadan Cadde ayaa lagu waramayaa inay shaqada ka eryday madaxii hagista diyaaradaha ee garoonka caalamiga ah.

Xilka qaadista mas'uulkaan oo lagu magacaabo Farxaan Black ayaa ka dambeysay markii shilal fudud ay ka dhaceen gudaha garoonka, taasoo keentay inay isku dhacaan labo dayuurad.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shaqada ka eryidda Farxaan ay dhalisay inay ka gadoodaan kooxdii isaga la shaqayneysay, kuwaasi oo dhinacooda hakad geliyay howlihii ay ka hayeen garoonka.

Shilalka oo tiro labo jeer ah dhacay ayaa waxa aysan gaysan khasaaro soo kala gaarey diyaaradihii ku lugta yeeshay, kuwaasi oo mid kamid ah ay ku lug-yesheen diyaaradaha caalamiga ah ee garoonka yimaadda.

Maamulka garoonka Aadan Cadde ayaa u xaqiijiyey Warsidaha Garowe Online shaqo ka eryidda Farxaan Black iyo shaqo joojinta ay sameeyeen xubnaha kale, inkasta oo uu diiday inuu fahfaahin ka bixiyo.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa kamid ah ilaha dhaqaale oo ay dowladdu ka hesho dakhli lagu qiyaasay Mayaaliin Dollar, kuwaasi oo ka yimaada diyaarado heer caalami ah iyo maxali ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM