"Mas'uul ka tirsanaa HirShabelle oo u goostay Al-Shabaab"

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – AlShabaab ayaa soo bandhigtay shaqsi ay sheegtay in uu ahaa "mas'uul sarre oo ka tirsanaa HirShabelle" oo ah maamul ka arimiya gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xasan Cumar Axmed oo ku magac-dheer Xasan Mahdi "iskana dhiibay" gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa la tilmaamay in uu ahaa Agaasimihii Madaxtooyadda dowlad goboleedkaasi.

Warbaahinta kooxdan gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa baahisay sawirrada ruuxan, oo wata Koofiyad, Ookiyaale, Shaati iyo Macawiis, kuna ak-sawiran darbi lagu xardhay calanka tawxiidka Islaamka.

Wareysi uu siiyey idaacadda ku hadasha afka maleyshiyaadkan ee loo yaqaano Andulus ayaa waxa uu ku sheegay in uu madaxweyne Maxamed Cabdi Waare la shaqeynayey muddo saddex bilood ah.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu daboolka ka qaadey intaasi kadib uu go’aan saday in uu xafiiska baneeyo kadib markii uu muddo si madax banaan u noolaa uu go’aansaday in uu Shabaab galo.

Marka laga soo tago sheegashadiisa ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya, dhinaca kalena, maamulka fadhigiisu yahay magaaladda Jowhar, illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin arrintan.

Dhacdadan oo noqoneysa mid naadir ah ayaa kusoo aadeysa iyadda oo dhowaan ay kooxdu u yeertay Odayaasha Dhaqanka soo xulaya baarlamaanka federaalka, kuwaasi oo qaarkood ajiibay dalabkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM