Mas'uul katirsanaa maamulkii hore ee G/Banaadir oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox hubeysan ayaa magaaladda Muqdisho xalay ku dishay gudoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Boondheere, oo lagu magacaabi jiray Cali Hilowle [Cali Dheere].

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in laba nin oo bastoolado ku hubeysan ay gudoomiyaha ku toogteen Isgoyska Boondheere, kadibna halkaasi ay ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka ayaa dilka kadib goobta gaarey, balse kuma aysan guuleysan inay gacanta kusoo dhigeen raggii falka geystay, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Waa dilkii labaad oo todobaad guhihiisa ka dhaca Boondheere, iyadoo maalmo kahor halkaasi lagu khaarijiyay sarkaal katirsanaa wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Falalka amni darro ayaa kusoo kordhaya caasimadda dalka tan iyo markii uu billowday Ramadan-ka, iyadoo wadooyinka ay ku sugan yihiin ciidamo boolis ah, oo habeen iyo maalin ku baara gaadiidka dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM