Mas'uul ku dhaawacmay weerarkii xarunta degmada Warta Nabada

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xoghayaha degmada Warta Nabadda ayaa kamida dadka ku dhaawacmay qaraxii lagu weeraray xarunta degmadaasi, maanta oo Talaado ah.

Sidda ay xaqiijyeen Booliska, afar qof ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay ku geeriyootay qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado kamida caasimada Soomaaliya.

Mas'uulka, Cali Aadan Warsame, ayaa loola cararay goobaha caafimaadka si xaaladiisa caafimaad wax looga qabto.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya in qarax oo Is-miidaamin ahaa uu geystay burbur xoog leh.

Xoogaga Al-Shabaab ee cilaaqaadka la leh Urur-weynaha Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda dhacdadaasi.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee bisha Ramadaan ka dhaca magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Inta badan marka la guda galo Soonka maleyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa kordhisa falalka liddiga ku ah amaanka ee ay Muqdisho ka fuliso.

Dowladda oo sheegtay in bishaan ay u diyaar-garowday ayaa ciidamo badan soo dhoobtay isgoysyada balse ma aysan baajin qaraxyada oo wali sii socda, inkasta oo ay si teel-teel ah u dhacayaan.

Sidda laga soo xigtay xeel-dheerayaasha amaanka, Al-Shabaab ayaa dardargelisay howlgaladeeda magaalooyinka markii Mareykanka uu sare u qaaday duqeymaha uu kooxda kula beegsaday gobolada dalka.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii saddex kamid dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu khaarijiyey duqeyn lagula beegsaday gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan meel ku dhow magaalada Tooratoorow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM