Mareeyaha duulista hawada dowlada Federaalka oo shaqada laga joojiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad [Oomaar], ayaa xilka ka joojin ku sameeyey  Maareeyihii Hay’adda Saadaasha Hawada, Yuusuf Cabdi Cabdulle [Yuusuf Jaalle].

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa lagu shaaciyay xilka lagaga joojiyey  Maareeyaha, iyadoo sababta laguu sheegay baahida loo qabo dib u dhiska iyo dardargelinta howlaha hay’adda Saadaasha hawada.

Tallaabadan ayaa timid kadib wax ka yar 24 saac xilka qaadistii uu Ra’iisul Wasaare Khayre shalay ku sameeyay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maclin Xussen. [Halkan ka akhri Warka].

Lama oga in xil ka joojinta Maareeyaha la xiriirto mida Wasiirka oo la sheegay inay salka ku haysay muran ka dhashay arrimaha duulimaadka Xajka oo shirkado gaar ah heshiisyo qarsoodi ah lala galay.

Talaabadaan Maareeyaha ayaa kusoo beegmaysa xilli dagaalkii Arrimaha Xajka uu Cirka isku sii shareerayo.

HOOS KA KA AKHRI WAREEGTADA WASIIRKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM