​Mas'uuliyiin diray hambalyada 26 Jun

Image

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Barlamanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Ikar ayaa maanta ka hadlay muhiimadda ay shacabka dalka u leedahay xus loo sameeyo maalinta ku beegan 26 Jun, xilli waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe.

Jaylaani oo waraysi gaar siiyay Radio Garowe, ayaa sheegay inay xus ballaaran u samayn doonaan maalintan oo ku beegan waqtigii ay gumaystaha ka xoroobeen gobolladii Waqooyi 1960-kii.

Dhinaca kale Maxamed Farax Ciise Gaashaan oo aan la xiriirnay isago ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa tilmaamay in maalintan qiimo weyn ugu fadhido shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in loo istaago sidii  loo weynayn lahaa maalmaha xorriyadda.

Gaashaan, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay inaan maalmaha loo muujin xuskii ay mutaysteen isagoo sabab uga dhigay colaadaha iyo arrimaha qabaliga ah ee dalka Halaajiyay. HALKAN KA DHAGAYSO

Xusan ayaa kusoo beegmayo xilli laguda galay maalmaha lagu magacaabo Xorriyada kuwaasi oo ka bilowday 26 Jun ilaa 01 Luuliyo, waxaana wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii  dhexe ee Soomaliya u muuqdeen kuwo xuskoodu gaabis ku yimi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM