​Mas'uuliyiin diray hambalyada 26 Jun

Image

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Barlamanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Ikar ayaa maanta ka hadlay muhiimadda ay shacabka dalka u leedahay xus loo sameeyo maalinta ku beegan 26 Jun, xilli waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe.

Jaylaani oo waraysi gaar siiyay Radio Garowe, ayaa sheegay inay xus ballaaran u samayn doonaan maalintan oo ku beegan waqtigii ay gumaystaha ka xoroobeen gobolladii Waqooyi 1960-kii.

Dhinaca kale Maxamed Farax Ciise Gaashaan oo aan la xiriirnay isago ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa tilmaamay in maalintan qiimo weyn ugu fadhido shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in loo istaago sidii  loo weynayn lahaa maalmaha xorriyadda.

Gaashaan, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay inaan maalmaha loo muujin xuskii ay mutaysteen isagoo sabab uga dhigay colaadaha iyo arrimaha qabaliga ah ee dalka Halaajiyay. HALKAN KA DHAGAYSO

Xusan ayaa kusoo beegmayo xilli laguda galay maalmaha lagu magacaabo Xorriyada kuwaasi oo ka bilowday 26 Jun ilaa 01 Luuliyo, waxaana wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii  dhexe ee Soomaliya u muuqdeen kuwo xuskoodu gaabis ku yimi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Uganda oo 7 Askari looga dilay howlgal lagu qabtay deegaan ku dhaw Muqdisho

"Nasiib darro, waxaan ku weynay toddoba askari intii lagu guda jiray dagaalka," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye.

  • Soomaliya

    23-06-2025

  • 08:23AM

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM