Mas'uuliyiin 'gabaad siiya' xubnaha Al-Shabaab kasoo goosta oo loo digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa magaaladda Baydhabo ka sheegay in ay jiraan mas'uuliyiin dowladeed iyo qabaa'ilo "gabaad siiya" xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab.

Jeneraal Liibaan Aadan Yarow oo carabka ku adkeeyay in ay macluumaadkan ogaadeen kadib baaritaano dheeri oo ay sameeyeen ayaa wuxuu digniin culus hawada u mariyey dhinacyadda arrimahaan ku kacaya.

Shaqsiyaadka uu gudoomiyaha daboolka ka qaadey oo soo baxsada iyaga oo wata hubkooda kuna dega bulshooyinka ay kasoo jeedan ayaa ah kuwa aanan soo marin Wasaaradda Amniga heer Federaal ama mid Gobol.

"Qofkii lagu ak-arko ama gurigiisa ku haya qof Shabaab ah oo soo baxsaday oo aanan la diiwaan-gelin, wuxuu lamid yahay Al-Shabaab, waxaana laga qaadayaa talaabadii Shabaabka laga qaadi lahaa," ayuu yiri.

Degaanada Koonfur Galbeed ayaa kamid ah gobolada ugu badan oo ay iska soo dhiiban dagaalameyaasha gacansaarka la leh xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

"Suurtogal ma noqoneyso in qofna la marsiiyo nidaamka Wasaaradda, midna aanan la marsiin oo uu albaabka kasoo galo aanan la aqoon inuu is-qarxinaayo, adna qabiilkaaga hayso, annaga keygaan haysaneynaa," ayuu xusay.

Gudoomiye Yarow oo xoojiyey tuhuno laga muujiyo xubnaha sheegta in ay Shabaab kasoo carareen ayaa ku waaniyey mas’uuliyiinta dowladda in ay marsiiyaan nidaamka sharciga, oo ay diiwaan-geliyaan si loo hubiyo.

"Markii ay hay’addaha amniga soo dhahaan qofkaasi waa lagu dhex-fasixi karaa bulshadda, hala sii daayo, waliba waxaa sii fiican in damaanad lagu qoro oo ah sarkaal ama Xildhibaan," ayuu hoosta ka xariiqay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM