Mas'uuliyiin xilalka looga qaadey inay u janjeeraan mucaaradka Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiwali Ibraahim Garyare, oo kamid ah dadka dhaliila siyaasadda Villa Somalia ayaa xubinimadiisa shirkadda Biliscan ee ka shaqeysa howlaha nadaafadda, ayaa xubinimadiisa ka baxay kadib markii cadaadis ku yimid.

Go'aankaan ayuu qaatey kadib markii maalin kahor warqad kasoo baxday xafiiska duqa Muqdisho, Eng Yariisow lagu joojiyay shaqadii shirkaddaan oo uu kamid ahaa, maadaama mucaarad ku yahay DF.

Garyare oo kamid ah dadka maalgashiga ku sameeyay shirkaddan ayaa ku tilmaamay luqadda ay ku qornayd warqadda Eng Yariisow mid siyaasadeysan, islamarkaana baal-marsan sharciga maal-gashiga.

Wuxuu sheegay in markii howshan ay billaabaysay Shirkaddaan uu xafiiskooda Muqdisho kusoo booqday duqa Muqdisho, kuna bogaadiyay shaqadeeda soo celinta bilicda caasimadda.

"Waxaa nasoo gaarey warqad lagu hakiyay howlaha Bilicsan oo kasoo baxday xafiiska gudoomiye Yariisow, waxaana ka muuqatay warqada inay gebi ahaan baalmarsan tahay sharciga," ayuu yiri Garyare oo la hadlay saxaafada.

Wuxuu intaasi ku daray Garyare in gudoomiye Yariisow uusan ahayn midka go'aankan gaarey, balse ay ku khasbeen madaxda ka sarreysa.

Garyare ayaa daboolka ka qaadey in Eng Yariisow uu ku yiri "Madaxweynaha ma taageersanid", isaguna ugu jawaabey "Waligeey ma taageerin", oo ula jeedo dowladda Federaalka ee haatan dalka ka jirta.

Shirkadda Bilicsan waxaa kadib lagu cadaadiyay, maadaama uu mulkiiliyaasheeda kamid yahay Garyare oo ka feker duwan dowladda uu kamid yahay inay shaqada joojiso ama isaga ka saarto xubinimadiisa, taasoo markii dambe hirgeshay, lagana saarey ninkan mucaaradka ah shirkadda.

Dhanka kale, gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho ayaa shaqo joojin ku sameeyay 4-tii bishan nin lagu magacaabo Shadoor Xaaji, oo isaga u ahaa la taliyaha dhanka saxaafadda.

Warqad kale oo uu soo saarey isla Eng Yariisow laguma sheegin sababta ninkan shaqadiisa kuu waayay, balse waxa uu go'aankan kusoo beegmay xilli uu ka qeyb-galay Jimcihii xafladd lagu daah-furay xisbiga cusub ee uu gudoomiyaha u yahay Xasan Sheekh, oo xubinihiisa mucaaradka DF u badan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM