Mas'uuliyiinta loo diiday inay galaan Kenya oo ku laabtey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uuliyiin katirsan Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo dowladda Kenya u diiday xalay inay dalkeeda galaan ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaaladda Muqdisho.

Wafdiga ayaa ka kooban Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Cismaan Libaax iyo labo Senatar oo kala ah Ilyaas Cali Xasan iyo Zamzam Daahir kuwaasoo xalay waxda socdaalka Kenya ku xanibtay Garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, iyagoo wata baasaboorka diblomaasiga.

Tallaabadan Mas'uuliyiinta loogu diiday gelida Kenya ayaa timid saacado kadib markii Gollaha Shacabka uu ansixiyay Xeerka Batroolka dalka, kaasoo bishii Febuary xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka ayaa sheegay in wasiiro iyo mas'uuliyiin kale loo ogolaadey inay ka gudbaan Garoonka Jomo Kenyatta, islamarkaana ay gudaha Kenya galaan kadib markii ay lasoo baxeen baasaboorada dalalka reer galbeedka.

Cismaan Libaax iyo labada Senatar oo wadan baasaboorada dalalka ajnabiga, ayaa loo diiday in fiisaha lagu siiyo Garoonka, sida horey u dhici jirtay, maadaama ay yihiin mas'uuliyiin heer qaran oo wata baasaboor diblomaasi ah.

Wafdigan ayaa u socday inay ka qeybgalaan shir lagu casuumey oo ka furmay maanta Nairobi kaasoo looga hadlayo dagaallada qowmiyadaha ku dhexmara xuduudaha ay wadaagaan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Madaxa Siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federico Mogherini oo shalay Muqdisho timid, ayaa shirka daah-furtay.

Saraakiisha socdaalka Kenya ayaa la sheegay inay ku wargeliyeen wasiir ku xigeenka iyo labada senatar inay dib ugu laabtaan Muqdisho, islamarkaana ay hadii ay doonayaan inay Nairobi kusoo laabtaan inay Fiisaha kasoo qaataan Safaaradda Kenya ee Muqdisho.

Waxaa horey u jiray heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliaya iyo Kenya oo ah in dadka wata baasaboorka diblomaasiga lagu siiyo fiisaha Garoonka [On Arrival], balse ay bedeshay xukuumadda Nairobi, iyadoo aan la socod siinin dowladda Federaalka.

Wafdi dowladda markii uu xalay ka degay lagu wargliyay in la bedelay go'aankii hore, sidaasi darteedna aysan gali karin Nairobi iyagoo aan wadaan fiiso [Dal ku gal] ay kasoo qaateen safaaradda Kenya ee Muqdisho.

Todobaadkii tagey, dowladda Kenya ayaa joojisay duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, waxayna ku amartay diyaaradaha ka yimaadka Soomaaliya in lagu baaro garoonka magaaladda Wajeer.

Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya inay si xaraash ah u iibinayso ceelal-shidaal oo ku yaalla xuduud badeedka labada dal ay ku muransan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM