Maxaa DFS ku riixay in nin Soomaali ah ay u xulato madaxa Bankiga Dhexe?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumada federaalka ah ayaa u magacowday Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi gudoomiyaha cusub ee bankiga dhexe ee dalka.

Cabdiraxmaan ayaa badalaya Dr Bashiir Ciise Cali, iyadoo jagadaasi ay baaneyd muddo hal sano oo uu bankigu ahaa hogaan la'aan.

Golaha Wasiirada ayaa lagu waramayaa in ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen magacaabista madaxa cusub ee bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Magacaabista Cabdiraxmaan ayaa imaaneysa iyada oo ay taagneyd dood ku saabsan in laga dhigayo nin ajnabi ah.

Doodaasi oo taagneyd tan iyo bishii Janaayo ayaa ka dambeysay markii Golaha Shacabku meel-mariyay sharci ogolaanaya arrinkaasi.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku sheegtay magaca ninka ajnabi ah, Nigel Roberts, kaasi oo kasoo jeeda wadanka Ingiriiska.

Musharaxiin tartanka qayb ka ahaa ayaa u sheegay Garowe Online, in sababta ajnabi loo magacaabi waayay ay tahay joogitaankooda Muqdisho oo aad u yaraan kara.

"Dowladdu waxay dooneysay qof waqtigiisa 100% caasimada ku sugnaan kara, inta badan raga ajnabiga ah 50% ayay shaqeynayaan," ayay sheegeen musharixiinta.

Madaxwayne Farmaajo, Ra'iisul wasaare Khayre iyo Fahad Yaasiin, agaasime Ku xigeenka NISA, ayaa la sheegay in ay u ol'olaleynayeen in gudoomiyaha bankiga dhexe laga dhigo qof ajnabi ah.

- Waa kuma Cabdiraxmaan? -

Waa muwaadin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda degaanada maamulka Somaliland. Wuxuu leeyahay waayo-aragnimo maamulka maaliyada iyo bankiyadda ah.

Labadii sano ee lasoo dhaafay waxa uu lataliye sare oo dhanka siyaasada dhaqaalaha u ahaa xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dowlada federaalka oo dhan.

Waxaa la sheegay in uu door wayn ku leeyahay dib-u-habeynta dhanka maaliyada ee ay wado xukuumada iyo kororka 30% ee dakhliga kaasi oo ay xukuumada ku dhawaaqday sanadkii hore 2018.

C/raxmaan  waxa uu kamid ahaa gudiigii imtixaanka Ka qaadeyay musharixiinta u tartamay xilka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM