Maxaa hortaagan in Madaxda Galmudug ay heshiiyaan? [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug, ayaa kasoo horjeestay Kulamada lagu xalinayo khilaafka Madaxda Galmudug, ee dowladda Soomaaliya ay dhex-dhexaadinayso.

Xareed Cali Xareed, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug, oo waramay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in khilaafka hogaanka hogaanka maamulkiisa lagu xaliyo magaalada Dhuusamareeb.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay fara-gelin qaawan ku hayso arrimaha Galmudug, isagoo ku dooday in loo baahan yahay in sida maamulada kale ee dalka ka jira loogu madax-baneeyo inay arrimaheeda ka tashato.

"Waligiin ma aragteen iyadoo Puntland iyo Jubbaland khilaafkooda lagu xalinayo Muqdisho, way u madax banaan yihiin arrimahooda gaarka ah, marka waxaa muhiim ah in Galmudug arrimaheeda ay ku xalisato Dhuusamareeb," ayuu yiri Xareed.

Xareed ayaa xusay in aan loo baahneyn in xilli kasta khilaafka Galmudug lagu xaliyo Muqdisho, waxaana wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxda maamulka aysan si hoose u xalisan karin is-maadhaafkooda.

Hadalka Gudoomiye Xareed ayaa kusoo aadayaa iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu maalmihii u dambeeyay Villa Soomaaliya kulamo gooni-gooni ah kula yeeshay dhinacyadda iska soo horjeeda ee dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo dhinac ah, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Caser iyo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carabey oo isku dhinac ah, ayaa ah xubnaha is-khilaafsan ee lagu hesiisinayo Madaxtooaydda.

Khilaafkooda ayaa waxuu salka ku hayaa arrimo ku saabsan hanaanka awood-qeybsiga ee maamulka, iyo qodobo kale oo muhiim ah, kaasoo banaanka soo baxay kadib markii la isku daray maamuladda Galmudug iyo Ahlu Sunna bishii January ee 2018.

Kooxda fadhisa Cadaado ayaa waxay ku eedeeyay Xaaf inuu jebiyay dastuurka, islamarkaana uu sameystay mudo korarsi aan sharci ahayn, isagoo mudo-xileedkiisa kasoo billaabey maalintii ay Galmudug iyo Ahlu Sunna midoobeen.

Khilaafka jira ayaa dib u dhigay magacaabista Golle Wasiiro oo cusub, oo la filayay inuu ku dhawaaqo Madaxweyne Xaaf, taasi oo waaqafsan awood-qeybiga ay Ahlu Sunna xubnaha ku yeelanayso Xukuumadda iyo Baarlamaanka Galmudug.

Balse, lama ogga dhinac uu raacsan yahay Xareed Cali Xareed, inkastoo hadalo sidaan oo kale ay horey uga soo yeereen Garabka uu hogaaminayo Madaxweyne Xaaf oo uu ku jiro Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM