Maxaa ka cusub Shirka lagu heshiisiinayo Madaxda Galmudug?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulamo lagu heshiisiinayo Madaxda Galmudug, kuwaasoo saacadihii u dambeeyay ka socday magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulamadaan oo ay gar-wadeen ka tahay xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxay soo bilowdeen shalay oo Talaado ahayd, iyadoona diiradda lagu saarayo qodobo ay isku khilaafsan yihiin madaxda sare ee maamulka Galmudug.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in saacadihii u dambeeyay uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] uu xafiiskiisa kula kulmay Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug.

Kulamadda labada mas'uul ay la qaateen oo udhacay siyaabo kala duwan, ayaa waxaa ku wehlinayey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casar.

Farmaajo ayaa ku qanciyay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] in Xukuumadiisa ay dhax-dhaxaad ka noqoto khilaafka, islamarkaana wax walba lagu xaliyo si-fahan, lagana dheeraado khilaafka.

Kulamadaan Muqdisho ka socda kuma jiro madaxda ka qeybgalaysa Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Shaakir Cali Xasan, kaasoo ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kaasi oo la safan Xaaf.

Wararka ayaa waxay intaas ay ku darayaan in Madaxweyne Xaaf uu maalinta Berri ah kusii jeedo Dhuusamareeb, si uu arrimo ku saabsan shirkaan Muqdisho ka socda ugula soo tashto Sheekh Shaakir iyo Gollahiisa wasiiradda.

Khilaafka hogaanka Galmudug oo si toos ah banaanka u yimid markii leysku daray Ahlu Sunna iyo Galmudug, ayaa waxaa hadda uu u muuqdaa in laga shaqaynayo sidii loo xalin lahaa, wallow dhowr jeer dowladda Federaalka ugu fashilantay inay xaliso.

Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo isku dhinac ah hadda ayaa lagu eedeeyay inay baal-mareen Heshiiskii awood-qeybsiga lagu gaarey Jabuuti, iyagoo wax ka bedel ku sameeyay qodobo kamid ah Dastuurka Galmudug, oo uu kamid yahay mid qeexaya mudo-xileedka Madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM