Maxaa ka jira in ciidamo Itoobiyaan ah ay ka degeen magaalada Kismaayo?
KISMAAYO, Soomaaliya – Mudooyinkii dambe waxaa soo baxayay warar ku saabsan in Ciidamo Itoobiyaan ah ay ka degeen Garoonka diyaaradaha magaaladda Kismaayo ee caasimadda ku meelgaarka Jubaland.
Mas’uul katirsan maamulka Jubaland ayaa warsidaha Garowe Online u sheegay in wararka la isla dhexmarayo ay been yihiin, islamarkaana aysan jirin Ciidan Itoobiyaan ah oo magaaladda la geeyay.
Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsadey ayaa xaqiijiyay in ay jiraan diyaarado kasoo degay Garoonka Kismaayo, oo ku yimid heshiis is-afgarad ah, oo dhexmaray maamulka Jubaland iyo taliyeyaasha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Kismaayo.
Heshiiska wuxuu u ogolaanaya Ciidamada Itoobiya in Garoonka kasoo degsadaan agab dayactir, biraha, teendhooyin iyo kuwa kale oo taayarada gaadiidka military ay kamid yihiin.
Waxaa baaritaan ku sameynaya diyaaradaha soo degaya Ciidamada amniga Jubaland ee ku sugan Garoonka, iyadoo kuwa Itoobiyaanka ay banaanka ku sugayaan, halkaasoo qalabkooda loogu geynayo.
Muuqaal taleefonka gacanta [Mobile] lagu duubey, oo lasoo gaarsiiyay GO, ayaa kasoo muuqday Saraakiisha amniga Jubaland oo baaraya qalabka Garoonka uga soo degay Ciidamada Itoobiya.
Dhinac xeebta Kismaayo waxaa degan Ciidamado ka socda Itoobiya, oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kuwaasoo aan xiriir wadashaqeyn ah xilligan kala dhaxeynin maamulka Jubaland.
Qalabka militeri ee Ciidamadan oo mudo magaaladda ku sugnaa, ayaa lagu waramay inuu daxalaystay, kadibna ay ka codsadeen maamulka Jubaland inuu u ogolaado in Garoonka uga soo dego agab dayactir.
Madmadow ayaa soo kala dhexgalay maamulka Jubaland iyo Ciidamada Itoobiya wixii ka dambeeyay markii uu billowday Khilaafka siyaasadeed ee Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dowladda Soomaaliya.
Getachew Reda, oo xubin sare ka ah ururka xoreynta dadka Tigreega “Tigray People's Liberation Front” (TPLF), ayaa bishii lasoo dhaafay wareysi uu bixiyay ku sheegay in Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea ay dejiyeen qorshe lagu soo afduubayo Axmed Madoobe.
Wuxuu xusay in Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki ay ku heshiiyeen in Ciidamo Kumaandoos ah loo diro Kismaayo, kadibna ay halkaasi kasoo kaxeeyaan Axmed Madoobe, kadibna laga dejiyo Addis Ababa.
Getachew Reda ayaa xusay in qorshaas uu fashilmay, iyadoo Jubaland ka hortagtay sanadkii tagey, islamarkaana hawada ka celiyay diyaarad wadey Ciidamo Itoobiyaan ah, oo isku dayay inay ka degaan Garoonka Kismaayo.
Ciidamada Itoobiya oo la sheegay inay si hoose ula shaqeeyaan Villa Soomaaliya waxaa lagu eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha siyaasadda gudaha dalka, iyagoo xiray dhowr mas’uul oo kasoo horjeeday dowladda.
Xilli talaabooyinkaas ay wiiqeen sumcadooda isla markaana ay su'aal gelisay joogitaankooda, mas'uuliyiinta waxaa kamid ah; Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo gudoomiyihii degmada Garbahaarey ee Jubbaland.
GAROWE ONLINE