Maxaa ka jira in NISA ay "weerartey" aqalka Fahad Yaasiin?

Image
GO oo la hadlay sarkaal ka tirsan hay'adda ayaa beeniyey iney jiraan ciidamo tagey guri agaasimhii hore ee NISA.

MUQDISHO- Kadib markii maalintii shalay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ka tirsan hay'adda NISA tageen guriga Agaasimihii hore ee hay'adda Fahad Yaasiin ayaa warsidaha GO waxaa u suurtagashey inuu wax ka ogaado xaqiiqda dhabta sida ay wax u dhaceen. 

GO oo la hadlay sarkaal ka tirsan hay'adda NISA oo diidey in magaciisa aan shaacino xaalada jirta awgeed ayaa beeniyey iney jiraan ciidamo tagey guri agaasimhii hore ee hay'adda.

“Waxaa amar la siiyey sarkaalka xakuma ciidamada Ilaalada u ahaa agaasimhii hore ee hay'adda iney ku soo xeroodaan xarunta hay’adda.” ayuu GO u sheegey sheegey sarkaalkaan.

Sarkaalkaan ayaa isagoo hadalkiisa sii wata sheegey "ciidamada laga soo kexeeyey aqalka agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa tiradooda waxay gaareysay Sodon askari oo ah kuwa sida gaarka u tababaran iyo Labo gaari.”

Sida warsidaha GO ogaadey ciidankaan ayaa waxaa hay’adda NISA u tababarey Dowladda Talyaaniga kuwaas oo si gaar ah ugu takhasusey Ilaalada taliyaha Hay’adaan.

“Hay’adda kama maaranto ciidamo si gaar ah u tababaran waana muhiim iney ilaalo u noqdaan Taliyaha cusub.” Sidaas waxaa GO u sheegey sarkaalkaan diidey in magaciisa la xuso.

Dhinaca kale wararka la helyo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeya in hay’adda NISA agaasimiheedii hore gurigiisa lagu soo reebey Hal gaari iyo 8 askari. 

Madaxweynaha la doortey Xasan Shiikh ayaa markii uu xilka la wareegay u magacaabey agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya Xildhibaan Mahad Salaad.

Mahad Salaad oo ahaa xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa siyaasiyin aad ugu dhow Madaxweynaha la doortey ee Xasan Shiikh. 

Agaaaimhii hore ee hay'dda NISA oo dalka hadda ka maqan ayaa magaalada Muqdisho  ka dhoofey maalin ka hor inta uu Madaxweyne Xasan Shiikh galin VIlla Somalia. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM