Maxaa ka jira in Muqdisho loo soo rarayo safaaradda Mareykanka ee Nairobi?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in safaaradeeda ku taala magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya loosoo wareejinayo Muqdisho horaanta bisha December ee sanadkaan 2018.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay howlgalka Mareykanka ayaa lagu shaaciyay inay ka go’an tahay xoojinta cilaaqaadka ka dhaxeeya laba dowladeed iyo sidii loosii adkayn lahaa xiriirkaasi.

Safaaradda ayaa xaqiijisay inay socdaan dadaalo ujeedkoodu yahay in joogitaan diblumaasiyadeed oo rasmi ah ay ugu yeelan lahayd gudaha dalka, inkasta oo aanu soo hadal-qaadin hadii dhismo cusub ay yeelaneyso.

“Mareykanka way ka go’an tahay inuu sarre uqaado xasiloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaas la raaciyay in shaqaalo ka tirsan howlgalka ay haatanba usoo safraan Muqdisho si ay waajibaadkooda u gutaan.

Mareykanka ayaa wuxuusan ku lahayn gudaha Soomaaliya wax safaarad ah tan iyo 1993-dii, markaasi oo ay dalka ka socdeen dagaalo sokeeye, islamarkaana Askar Ameerikaan ah lagu dilay Muqdisho.

Tan iyo xiligaasi, xukuumadda Washington waxaa howlgalkeeda dalka xaruntiisa uu ahaa wadanka Kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi, balse sida ku cad qoraalka cusub dadaalo looga soo rarayo ayaa macquul ah.

“Mareykanka waxa uu ku howlan yahay sidii uu dib ugu soo celin lahaayeen joogitaankiisa diblumaasiyadeed ee Soomaaliya,” ayaa raaciyay warka qoraalka ah ee kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Nairobi.

Qoraalka Saafaaradda:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM