Maxaa kasoo baxay kulankii su'aallaha lagu waydiiyay Goodax Barre?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare gaar ahaan midka arrimaha bulshadda oo maanta oo Sabti ah kulmay ayaa su'aallo ka waydiiyay wasiirka waxbarashada, hadaladii uu dhowaan ku tuuray Puntland.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubnaha Aqalka Sare ku metala dowladda Puntland, kuwaasi oo ka dalbaday Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre in uu fasiraad ka bixiyo eryadaasi kasoo yeeray.

Mr Goodax Barre, oo u waramay warbaahinta dowladda, isaga oo ka hadlaya arrimaha Imtixaanka mideysan ee wadanka, waxa uu ugu goodiyay Puntland in aysan heli doonin Shadaahooyinka maadaama ay diiday ka qaybgalka.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo lagu kalsoon yahay, wasiirka ayaa sharaxaad guud ka bixiyey hadaladaasi, isaga oo ku dooday in "si khaldan" loo turjumay, wuxuuna ka muujiyay "qoomameyn".

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Wasiir Goodax Barre uu ka codsaday xubnaha Puntland ku metala Aqalka Sare in ay soo farageliyaan arrinkaan, isla markaana loo heli xal waara oo aaney dib dambe u soo laaban.

GO ayaa ogaaday in wasiir Goodax Barre uu qiray in dastuurka uu u ogolaanayo Puntland iyo maamul goboleedyadda kale in ay u madax banaan yihiin maamulida arrimo ay kamid yihiin waxbarashadda.

Wasiirka Goodax Barre ayaa ku bogaadiyay mudanayaasha Puntland ugu jira Aqalka Sare "sida ay mas'uuliyadda ku jirto" ee ay uga soo fal-celiyeen, ayna u doonayaan in la dhameeyo arrinkaan.

Puntland ayaa ku doodeysa in ay u diiday ka qaybgalka Imtixaanka mideysan in dalka aanu lahayn Manhaj mideysan, isku haleyn Imtixaanka ay dowladdu diyaarsiso iyo heshiisyo horey u jiray.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Mideysan oo ay dowladda federaalka qaadey afartii sano ee ugu dambeysay ayaa waxaa kaliya ka qaybgalay maamuladda Jubbaland, Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM