Maxaa kasoo baxay Safarkii Farmaajo ee Addis Ababa? [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa saaka oo Talaado ah dib ugu laabtey magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa ka yimid magaalada Addis Ababa oo uu uga soo qeybgalay Shir madaxeedkii 30aad ee Midowga Africa kaasi oo looga hadlay ajandiyaal ay kamid ahaayeen dowlad wanaagga iyo xaaladda Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu kaga hadlayay arrimaha Soomaaliya ka jeediayay shirkaasi, isagoo u sheegay hogaamiyaasha in dowladdiisa ay taageersantahay dib u habaynta lagu sameynayo Ururka AU oo la aas-aasay 1986.

Intii uu ku sugnaa Addis Ababa, waxay Farmaajo is arkeen hogaamiyaasha dalalka IGAD, oo uu ka dalbaday inay labo jibaaraan taageeradooda Soomaaliya oo xilligan wajaysa dhibaatooyin kala duwan.

Axmed Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Warbaahinta Muqdisho uga warbixiyay Safarka Madaxweynaha iyo Shirkii uu kasoo qeybgalay.

Warar ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay xusul-duub ugu jirta inay qabato xilka wareegtada ah ee Gudoomiyaha IGAD oo ugu sharaxan yahay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Cabdisalaan Hadliye.

Fursada in xilkan dowladda Farmaajo ku guuleysato ayaa aad u yar, sababo la xiriira in Soomaaliya aysan bixin qaaraanka Ururka IGAD mudo sanado ah, taasi oo gaaraysa Hal milyan oo Doolarka Mareykanka.

Uganda oo loolan xooggan ugu jirta jagadan ayaa bixisay dhamaad deymihii lagu lahaa, iyadoo taasi u sahlaysa inay si fudud ay ku guuleysatay kursigan wareegtada ah, maadaama Soomaaliya aysan bixin lacagtii laga rabey.

Soomaaliya oo kamid ah dalalkii lagu aas-aasay IGAD ayaan illaa iminka qaban xilka Gudoomiyaha Urur goboleedka ay ku midaysan yihiin, Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Uganda, Suudaan, Itoobiya, Eritrea, Suudaanta Koonfureed.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM