Maxaa keenay dib uu dhaca Shirka Kismaayo? [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirka Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya, kaasoo la filayay inuu maanta ka furmo magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Cali Cabdi Caraale, Xoghayaha Madasha ayaa xaqiijiyay in Shirka uu furmo doono maalinta berri ah, subixii saacadu markii ay tahay 10:00 a.m. waqtiga geeska Africa.

Xoghayaha ayaa sababta dib u dhaca ku sheegay sababo farsamo iyo wafuuddii la filayay inay shalay ay dib u dhaceen, iyadoo maanta uu Kismaayo soo gaarey Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan.

Warar ayaa sheegaya in dib u dhaca uu ka yimid dhinaca Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo ka qayb galayey duugta Hooyada Gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka taasoo dhinaca kale uu kasoo qayb galay Ra'isal wasaare khayre.

Madaxda maamullada ayaa si wadajir ah kulan ula qaatey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo maanta gaarey Kismaayo, isagoo ay weheliyaan xubno ka tirsan Xafiiska UNSOM.

Shirka oo ahaa mid albaabada u xiran ayaanan la ogeyn waxa uu Keating kala hadlay madaxweyniyaasha maamullada, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Keating uu ka dalbaday madaxda inay ilaaliyaan midnimada dalka, islamarkaana khilaafaadka kala dhexeeya Dowladda Federaalka ay hab wadahadal ah u maraan xalkiisa.

Si kastaba, Shirka berri oo socon doona 3 illaa 4 maalmood ah, iyadoo diiradda lagu saari doono waxa ka dhaqan galay heshiisyo ay horay u gaareen Dowladda Federaalka iyo Maamullada Xubnaha ka ah.

Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ayaa October 2017 lagu aas-aasay Kismaao, waxaana madashan ay hogaamiyaasha ku midoobay ku mideeyeen cudud ay kula gor-gortamaan dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM