Maxaa keenay in fadhiga Gollaha Shacabka uu mar kale baaqdo?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa dib u dhac uu mar kale ku yimid fadhigii la filayay in maanta oo Isniin ah uu yeesho Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa lagu waday in mudanayaasho ay uga dhageystaan Guddiga dib u eegista dastuurka warbixino ku saabsan halka ay wax u marayaan.

Sidoo kale, afhayeenka gollahaasi, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayuu qorsuhu ahaa in uu kala hadlo mudanayaasha xaaladihii ugu dambeeyay ee Aqalka.

Sababta keentay baaqashada ayaa lagu sheegay in ay tahay xaqiijinta kooramka gollaha, taasoo si lamid ah dhalisay in qabsoomi waayo fadhigii koowaad.

Fadhigii koowaad oo qabsoomi lahaa maalintii Sabtidii ayaa u baaqday kooram la’aan markii ay kaliya soo xaadirtay kaliya 116, loona baahnaa 135 mudane.

Mudanayaal ka tirsan Aqalka Hoose ayaa kulankaasi ka sameeyay mudaaharaad iyaga oo ku eedeeyay gudoonka in uusan dhax ka ahayn xaaladaha dalka ka jira.

Isla xiligaasi waxay u gudbiyeen gudoonka Mooshin ku saabsan in ajendaha lagu daro ka doodista amniga faraha kasii baxaya ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Arrimaha ay ka cabanayaan waxaa kamid ah in uu iska indhatirayo danaha guud ee qaranka, gaar ahaan amniga sii xumaanaya, eedayn uusan wali ka jawaabin afhayeenka.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay xukuumada in ay faragelin ku hayso howlihii Golaha Shacabka, taasoo ay sheegeen in ay caqabad ku noqon karto shaqooyinka Wakiilada Shacabka.

Sida muuqata kulamada Aqalka Hoose ayaa ku bilowday baaqasho, mooshin iyo kala feker duwanaanshiyo heerkii ugu sareysay, taasoo caqabad ku noqon karta howlaha baaxada ah ee horyaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Taliyaha AFRICOM ?

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:58AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weeraro ka dhacay Sudan

Dhinaca kale, ciidamada milatariga Suudaan ayaa duqeymo diyaaradeed ka geystay meelo muhiim ah oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:25AM