Maxaa looga hadlay Shirka Gollaha Wasiirada Soomaaliya? [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda xukuumada Soomaaliya ayaa maanta ku yeesheen Muqdisho kulankoodii caadiga ahaa oo maalin laga soo hormariyay, kaasi oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ugu horeyn, Khayre ayaa Gollaha uga warbixiyay safarkii uu ku tegay dalka Itoobiya halkaasoo uu kula soo kulmay dhigiisa dalkaasi Abiy Axmed, isagoo sheegay inay kawada hadleen arrimo khuseeya xiriirka labada dal.

Khayre iyo wasiirada ayaa soo dhaweeyeen Wasiirada, Wasiiro ku xigeenada iyo Wasiiro dowlayaasha cusub ee dhawaan la magacaabay, kuwaasi oo kulanka u ahaa kii ugu horeeyay.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageystay wasiiro dhowr ah oo ay kamid yihiin, Amniga, Howlaha Guud iyo kuwa kale.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuurkar Islow [Ducaale] ayaa Gollaha u sheegay in ciidamada amaanka ay dar-dar geliyeen howlaha amni xaqiijinta caasimada, islamarkaana sacaadihii ugu dambeeyey ay soo qabteen, dileena xubno Shabaab ah.

Wasiirka Howlaha Guud, Guryeynta iyo dib u dhiska Cabdifitaax Maxamed Ibraahim [Geesey] oo lagu soo dhaweeyay Gollaha, maadaama dhawaan loo magacaabay xilkaas ayaa horkeenay Hindise Sharciyeedka Naqshadda dhismaha Magaalooyinka.

Dood dheer iyo fallaqeyn kadib, Wasiiradda ayaa si wada-ogol ah u meel-mariyeen Hindise Sharciyeedka Naqshadda dhismaha magaalooyinka, kaasoo ay soo diyaariyeen Khuburo ka tirsan Wasaaradda Howlaha Guud.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weeraro ka dhacay Sudan

Dhinaca kale, ciidamada milatariga Suudaan ayaa duqeymo diyaaradeed ka geystay meelo muhiim ah oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:25AM

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM