Maxaa sababay dib u dhaca Kulankii maanta ee Baarlamanka Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa markii 3aad dib u dhac ku yimid kulana Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, xilli uu jiro Khilaaf iyo kala qeybsanaan ka dhex jira Xildhibaanada.

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta qorsheynayay inay yeeshaan kulan cod loogu qaadayo Mooshinka, balse uu dib u dhac uu ku yimid, saacadihii ugu dambeeyay.

Warar soo gaarey Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in kulanka Baarlamaanka ay macquul tahay in Maalinta Isniinta ah ee soo socoto uu qabsoomo, iyadoo shirar gooni gooni ah oo kulankaasi ku saabsan ay ka soconayaan Muqdisho.

Kulanka codka loogu qaadayo Mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayaa baaqday labo jeer [April 4 iyo 31-kii Maarso], iyadoo isku daygii ugu dambeeyay fowdo iyo qalalaase dhacday u qabsoomi waayay.

Xildhibaanada Garabka taageersan Jawaari ayaa wararka aan helayno waxay sheegayaan inay ogolaadeen in la guda-galo Mooshinka, islamarkaanka cod qarsoodi ah loo qaado, sida uu qabo xeer hoosaadka Gollaha Shacabka.

Xildhibaanno magacyadooda ka gaaabsaday ayaa u sheegay Garowe Online inuu socdo waan-waan iyo wadahadallo lagu qancinayo Gudoomiye Jawaari inuu xilka iska-casilo, kahor Kulanka la qorsheynayo Isniinta soo aadan.

Xogta ayaa intaasi ku daraysa in Xildhibaanada la safan Jawaari ay doonayaan in hadii la isku raaci in cod loo qaado Mooshinka, Kulanka lagu qabto Meel aan ahayn xarunta Gollaha Shacabka, oo suurta gal tahay inay noqoto Xerada Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni.

Waxaa sidoo kale jira Xildhibaanno Jawaari ku cadaadinaya inuusan iscasilin, oo mowqifkiisa ku taagnaado, illaa laga helayo xal kale oo lagu dhameyn karo Khilaafka.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan Gollaha Shacabka ayaa saameyn xooggan yeeshay shaqooyinkii Hay'adaha dowladda qaranka u hayeen, iyadoo Xildhibaanada u kala jabeen labo garab oo iska soo horjeeda.

Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka oo furmay 3-dii Maarso, ayaa la kowsaday Mooshin, kaasoo horseeday Ismariwaa iyo Xiisad siyaasadeed oo Beesha caalamka ka digayso inay dhaawacyo hanaanka dib u dhiska qaranimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM