Maxaabiis Daacish ah oo Xabsiga Muqdisho ku dhaawacay maxbuus British ah

Image

MUQDISHO, Somalia - Nin u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa maanta lagu dhaawacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, halkaasi oo lagu hayay maalmihii lasoo dhaafay kadib markii lagu qabtey Garoonka diyaaradaha isagaa wata sunta dadka ka ilmeysiisa.

Anthony Thomas Cox, ayaa dhaawac fudud oo dhank qoorta/dhuunta kasoo gaarey weerar ay kusoo qaadeen labo maxbuus oo watay Siin, sida ay sheegeen saraakiisha xabsiga, oo hadda xaaladiisa caafimaad la tacaalaya.

Wararka ayaa sheegay in ragga weerarka ku qaadey muwaadinka Ingiriiska ay yihiin maxaabiis Daacish ah, oo doonayayay in Xabsiga ku dhex-dilaan ninka ajnabiga ah, ee kasoo jeeda wadanka Ingiriiska.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa todobaadkii tagey amartay in Anthony Thomas lagu sii hayo xabsiga dhexe, maalmo kadib markii ciidamada amniga ay ka qabteen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isagoo wata walxo lagu sheegay sunta ilmada dadka ka keenta [Tear Gas].

Anthony ayaa la qabtey xili uu ka raacayay Garoonka diyaaradda Eithiopian airlinesa, isagoo markii doonayay inuu dalka ka baxo, waxay wararku sheegayaan inuu ahaa nin mudo la shaqeynaya shirkad ajnabi ah oo ka howlgasha Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM