Maxaabiis laga keenay India oo yimid Muqdisho [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad siday Maxaabiis mudo dheer arrimo burcad-badeednimo ugu xirnaa Xabsiyada dalka India ayaa maanta soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Maxaabiistan oo tiradoodu gaarayso 76 ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Madax ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu horkacayay ku xigeenka Ra'iisul Wsaaraha, Mahdi Maxamed Guuleed.

Isagoo Warbaahinta Gudaha Garoonka kula hadlayay, ayuu Mahdi Maxamed Guuleed sheegay in Maxaabiistan ay yihiin kuwii ugu dambeeyay ee ku xirnaa Xabsiyada dalka India, kuwaasi oo tiro ahaan gaarayay 120 qof.

Maxaabiistan oo 7 sano kahor ay Ciidamada Badda dowladda India ka qaabteen Xeebaha Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda dedaalka ay ku bixisay sii deyntooda.

Bishii January waxaa la keenay Muqdisho 41 Maxbuus, maantana 76 kale, iyadoo 3 maxbuux ay ku geeriyoodeen gudaha xabsiuydii ay ku xirnaayeen kadib markii xanuuno ay TB-da kamid tahay ay ku dhaceen, iyagoo u dhintay daryeel la'aan caafimaad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii August ee sanadkii tagey la gashay India heshiis dhanka is-dhaafsiga maxaabiista, kaasi oo horseeday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xirnaa ay dib u helaan xuriyadooda.

Dalal baban oo caalamka ku yaalla, oo u badan Africa ayaa waxaa wali ku xiran muwaadiniin Soomaaliyeed oo qaarkood laga warheyn kuwaasi oo halis ugu jira inay ku dhintaan xabsiyada ay ku jiraan, haddii aan loo gurman.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM