Maxamed Mursal oo loo doortay gudoomiyaha Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa loo doorray Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka kadib markii uu kusoo baxay doorashada.

Gudiga doorashada aya aku dhawaaqay inuu Mursal helay wareegga 3aad 147 cod, iyadoo musharaxii kale ee la tartamay uu helay 118 cod, sidaasina uu ku badiyay.

Maxamed Mursal ayaa bedelaya Maxamed Cismaan Jawaari oo iska casilay xilkan 9-kii bishan kadib markii laga keenay Mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Waxaa codeeyay 265 Xildhibaan, oo kamid ah kuraasta Gollaha oo ka kooban 275.

Guusha Mursal ayaa la sheegay inay timid kadib markii Xildhibaanadii u codeeyay Cabdicasiis Lafta Gareen ay aadeen dhankiisa, oo halkaasi ka helay cod badan.

Maxamed Mursal oo horey sidoo kale usoo noqday Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa noqonaya gudoomiyihii labaad ee Gollaha oo la dhisay sanadkii 2017-ka.

Filo Taariikhda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM