Maxamed Qanyare Afrax oo ku geeriyoodey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Sabti ah, June 29 ku geeriyoodey Muqdisho Maxamed Qanyare Afrax oo kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, sidoo kalena soo noqday Wasiir Amni iyo Xildhibaan dowladihii KMG ahaa.

Qanyare, oo 77 jir ahaa ayaa saaka ku dhintay Isbitaalka Digfeer, halkaasi oo mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa, sida ay xaqiijyeen qaar kamida ehelediisa, oo la hadlay warbahainta maxaliga.

Maxamed Qanyare ayaa Wasiir ka noqday Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi, ee la dhisay 2004, waxaana uu hore u ahaa hogaamiye kooxeed awood badan oo ka talin jiray qeybo kamid ah Muqdisho, isagoo mar lasoo shaqeeyay Jeneraal Caydiid.

Mudo dheer ayuu Muqdisho ku xanuunsanaa, waxaana uu ka fariistay Siyaasadda dowladdii Xasan Sheekh, isagoo Kusriga Xildhibaanimo ku wareejiyay Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo C/weli Qanyare Afrax.

Madax hore iyo Xildhibaano ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Maxamed Qanyare Afrax, waxaana lagu wadaa in Meydkiisa lagu aaso saacadaha soo aadan gudaha magaaladda Muqdisho.

Qanyare ayaa ku dhashay degmada Ceelbuur, ee gobolka Galgaduud sanadkii 1941.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Sidoo kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Masar ee Muqdisho dib loo furi doono.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 02:41PM

Madaxweynaha Jubaland oo abaal-marin guddoonsiiyay Ciidamada Mareykanka 

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 08:59AM