Maxay Reer Cadaado kala hadleen Madaxweynaha Soomaaliya?

Image

CADAADO- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo oo booqasho ku maraya Gobolada hoos yimaada maamulada dalka ayaa socdaalkii uu ku tagey xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug waxaa uu kulan gaar ah la qaatey beesha ugu badan degmada Cadaado kuwasoo kala hadlay arimo siyaasadeed.

Sida aan ku heleyno wararka ayaa sheegaya in kulankaan gaarka ah ee uu la qaatey beesha Saleeban Habar Gidir ay dibada isaga saareen Madaxweynaha maamulka Galmudug Xaaf iyo Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federalka ah oo dhowaan la magacaabey kasoo aan laga gaarin wax natiijo ah.

Odyaasha, ganacsatada, qaybaha kala duwan bulshada iyo siyaasyiinta beesha qaarkood xilalka ka hayaan Dowlada Federaalka ah ayaa goob joog ka ahaa kulankaas.

Muhiimada kulankaan ayaa aheyd saluug beeshaan ka muujinayso awood qaybsiga siyaasadeed ay ku leeyihiin Dowlada Federaalka ah iyo Galmudug gaar ahaan beelaha Habar-Gidir dhexdooda kuwasoo ay sheegeen ineysan helin saamiga ay xaqa u lahaayeen.

Dooda ay soo bandhigeen ayaa salka ku haysay in habka awood qaybsiga Galmudug ku dulman yihiin iyadoo magaalo madaxdii  dhowaan loo wareejinayo Dhuusomareeb iyadoo Madaxweynaha mamaulkaan kasoo  jeedo beesha Sacad halka awood qaybsiga Ahlu Sunah ay ku qaateen xil cusub beesha Cayr Habar Gidir.

Madaxweynaha Galmudug iyo madaxa Ahlu Sunah

Dhinaca kale waxay dood ka qabeen magacabista Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo ay sheegeen in uu kasoo jeedo beelaha kale ay walaalaha yihiin ee Cayr kuwasoo dagan magaalo madaxda maamulka Galmudug. 

Kulankaan ayaa sida aan ku helyno wararka  aan wax natiijo ah oo ay ku qancaan Reer Cadaado laga gaarin iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya u sii gudbey magalaada Dhuusomareeb.

Beelaha Habar Gidir oo ka kooban Sacad, Cayr, Saleebaan iyo Saruur ayaa daga Gobolada dhexe ee Soomaaliya waxayna siyaasiyiintooda inta badan mucaarad xoogan ku yihiin Dowlada Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye ku xigeenka aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu kasoo jeeda beesha Saleebaan Habar Gidir.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM