Maxay kawada hadleen Axmed Madobe iyo Gorod?

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madobe] ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Sareeya Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen [Gorod], oo safar ku jooga deegaanada maamulkaas.

Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Gorod iyo Axmed Madobe ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa howlgallada militeri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo in laga saaro Kooxdan gebi ahaanba deegaanada Jubbaland.

Axmed Madobe ayaa Taliyaha ka dhagaystay warbixin ku saabsan u diyaar garoowga Ciidamada Federaalka Soomaaliya ee gulufka ay gobollada hoos yimaada Jubbaland uga saareyso Al-Shabaab.

Labada mas'uul ayaa isla soo qaaday weerarkii ka dhacay deeganka Baar-sanguuni horaantii Todobaadkan, kuwaasoo mid kamid ah oo dhacay Jimcihii lagu dilay Askari Mareykan ah, maalin ka hor intaQarax gaari lagu weerarin isla saldhigaasi.

Jubbaland wali ma bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan kulanka, balse, wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maamulka Axmed Madobe uu wajahayo weeraro culus oo uga imaanaya dhanka Al-Shabaab

Ciidanka huwanta ah ee ku sugan deeganada Jubbaland oo isugu jira Soomaaliya, AMISOM iyo kuwa Mareykan ah, ayaa ku jira heegan sare oo ugu diyaar-garoobeen howlgalo ay deegaano ku qabsanayaan.

Maamulka Jubbaland oo hada ku shaqeeya Kismaayo ayaa kaliya gacantiisa waxaa ku jirta Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo qeyb kamid ah, iyadoo aysan gacanta ugu jirin Jubbada Dhexe, oo idil ahaantiisa ay Al-Shabaab maamusho.

Intaas waxaa dheer, in Al-Shabaab ay weeraro ka geystaan duleedka, hareeraha iyo gudaha iyo magaalada Kismaayo, halkaasoo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaro Askar iyo Shacab.

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa shisheeye ayaa hadda kaabiga ku haya magaalada Jamaame kadib maalmo kahor markii Al-Shabaab kala wreegeen deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 45-KM dhanka waqooyi uga beegan Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM