Maxay kawada hadleen Farmaajo iyo Abiy Axmed? [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] iyo Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed, ayaa si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta, kadib kulan ay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ku yeesheen.

Khubdadda labadda mas'uul oo akhriyay Luqadda English-ka, ayaa waxay ku sheegeen in kulankooda ay diiradda ku saarneen Amaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo is-dhaxgalka Shacabka labada dal.

Madaxweyne Farmaajo oo hadalka ku horeeyay ayaa wuxuu sheegay in uusan jirin dal ka wanagasan Ethiopia, oo ay Soomaaliya la yeelan karto xiriir wanaagsan, isagoo intaasi ku daray in Abiy kawada hadleen xoojinta xiriirka Addis Abba iyo Muqdisho.

Mudane Farmaajo ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in dowladda Federaalka ay ka go'an tahay in Ethiopia ay la yeelato xiriir wanaagsan, kaasoo shacabka labadda dal u horseedaya horumar iyo barwaaqo, is-dhaxgalna abuuraya.

Farmaajo ayaa uga mahad-celiyay ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM, dadaalada ay ku bixinayaan la dagaalka Al-Shabaab, oo uu ku sheegay inay khatar ku tahay amniga Soomaaliya iyo kan gobolka.

"Sida aan kawada hadlnay, dagaalka argigixisadda ma ahan mid kaliya Soomaaliya iyo Ethiopia dhibaato ku haya, wuxuu kaloo saameyn ku leeyahay gobolka, waxaana xoojin doonaa dagaalka ka dhanka ah argigixisadda," ayuu yiri Farmaajo.

Abiy ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee caalamka ku yaala, kaasoo dadkiisu leeyihiin hal Diinta, dhaqanka iyo luuqaad, isagoo sheegay in dowladiisa ay ka go'an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya dalkan ay dariska yihiin.

"Halkaan uma imaan inaan sii wadno wixii horey loo sheegi jiray, waxaan rabnaa inaan Bog cusub ufurno xiriirka aan la leenahay Soomaaliya, waxaana aragnaa inay nooga banaan yihiin fursado badan oo dhanka Ganacsiga ah," ayuu sii daba dhigay.

Abiy Axmed ayaa ku nuux-nuux saday inay si wadajir ah ula dagaalami doonan kooxaha argigixisadda ah iyo wax uu ku tilmaamay kuwa rabashadaha kiciya, isagoona ubalanqaaday dowladda Soomaaliya inay wax walba kula garab-taagan yihiin.

War Murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku muujiyeen in labada dhinac ka go'an tahay inuu dhowro madaxbanaanidiisa, sharaftiisa dhuleed, madaxbanaanida siyaasadeed iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa wuxuu dadka iyo dalka Soomaaliya uu u rajeeyay wanaag, iyo nabad, wuxuuna qiray in Soomaaliya ay hadda cagaha saartay dhabaha horumarka, ayna diyaar u tahay dowladiisa inay caawiso.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Baaq Nabadeed u Dirtay Hindiya iyo Pakistan xilli Xiisaddu Kacsan Tahay

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib weerar ka dhacay magaalada Pahalgam ee ku taalla Kashmir ee ay maamusho Hindiya.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 09:22AM

Hubanti La'aan hareysay Shirka Wadatashiga Qaranka Kadib Dib-u-Dhacyo iyo Ka-Qaybgal La’aan

Dhinaca kale, madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u caddeeyay inaysan shirka ka qaybgalaynin.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 08:44AM