Maxay kawada hadleen Khayre iyo Madaxweynaha Jabuuti?

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo safar labo cisho ah ku jooga Jabuuti ayaa faah-faahiyey kulan uu la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada mas'uul oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyadda Jabuuti ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal, gaar ahaan amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo is-dhaxgalka labada Shacab ee walaalaha ah.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo kulanka markuu soo idlaadey u waramay warbaahinta ayaa tilmaamay in wada kulanka uu la yeeshay Geelle uu ahaa mid ku dhisan Walaaltinimo, kuna soo dhamaaday is-afgarad.

"Maadaama Soomaaliya ay soo hagaageyso, waxaan ka codsanay Madaxweynaha Jabuuti inay dowladiisa gacan naga siiso arrimha ganacsiga, amniga, dhaqaalaha, isku socodka iyo dib u dhiska," ayuu yiri Khayre.

Khayre ayaa qiray in Jabuuti ay kaalin ka qaadatay mug leh ay ka ciyaartay sidii Soomaaliya markale cagaheeda isagu soo taagi lahayd, waxaana uu uga mahad-celiyay sida ay mar walab u garab taagan yihiin Shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed.

"Jabuuti kaalin weyn ayey ku leedahay dib u dhiska Soomaaliya, waxaana uga mahad-celiyay waqtiga iyo Dhiiga ay ciidamada 'HIIL WALAAL' ay ku bixiyaan aminiga Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa raaciyay mudane Khayre.

Khayre ayaa ku micneeyay ujeedka safarkiisa uu ahaa xoojinta wadashaqaynta dhanka amniga ee ka dhaxeeya labada dal iyo dib u dhiska ciidanka xoogga Soomaaliya iyo sida ay dowladda Jabuuti uga qayb qaadan lahayd maal-gashiga ka socdo dalka.

"Run ahaantii dowladda Jabuuti waxaan kala hadalnay sidii ay nooga taageeri lahayd siyaasada Geeska Afrika iyo mida aduunka, iyo inaan wax ka barano sida ay ula dhaqmaan siyaasada Afrika iyo mida caalamka," ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha.

Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si cad daaha uga rogay in Madaxweyne Geelle uu ka aqbalay waxyaabihii ay ka codsatay dowladda Federaalka, islamarkaana ay la soo saxiixdeen dowladda Jabuuti heshiisyo dhinacyo badan leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM