Maxay kawada hadleen Khayre iyo Wafdiga India? [DAAWO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta soo gaarey magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, Wafdi balaaran oo ka socda dowladda India, kaasi oo kulan la qaatay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaamineysay Safiirka India ee Soomaaliya, oo lagu magacaabo Suchitra Durai, taasoo ay la socdeen diblumaasiyiin kale oo wadankeeda kala yimid.

Labada dhinac ayaa waxay kawada hadleen arrimo ku saabsan xoojinta xiriiirka ka dhaxeeya Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Danjire Suchitra Durai ayaa sheegtay in dowladeeda ay ka go'an tahay sidii ay usii wadi lahayd dowladeeda taageeradda ay siiso xukuumadda Muqdisho, taasoo isugu jirta dhinacyadda amniga iyo dhaqaalaha.

Wararka ku xeeran kulanka ayaa waxay intaas ku darayaan inay isla soo qaadeen mas'uuliyiinta kulmay arrimo ku saabsan Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Hindiya, iyo sidii loosii dayn lahaa.

Maxaabiista ku xiran dalka Hindiya ayaa u xiran fal-dambiyeedka kala duwan, kuwaasoo u badan Burcad badeednimo, iyadoo ay jireen Maxaabiis badan oo horey looga soo sii daayay Xabsiyadda India.

India kuma lahan magaaladda Muqdisho wax safaarad ah ama Qunsuliyad, laakiin inta badan dalalka aan Safaaradaha ku lahayn dalka waxaa howsha iyo xiriirka diblomaasiyadeed usii wada Safiiradooda u fadhiya Kenya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Ukraine oo Kala Saxiixday Heshiis Dhaqaale Kadib Markii Trump Dood Keenay

Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denys Shmyhal, oo qoraal ku daabacay baraha bulshada ayaa…

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 12:54AM

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM