Maxay kusoo dhamaatay Doodii Gollaha Shacabka ee fashilka amniga?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah soo afjaray dood kukul oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay Xildhibaanada ka yeesheen arrimaha amiga iyo fashilka jira.

Kulankii maanta oo ka qaboobaa labadii kulan ee ka horeeyay ayaa waxaa soo xaadiray 150 mudane, waxaana shir gudoomiyay gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kaasoo go'aan looga gaarey doodii amniga.

Dood dheer kadib, Afhayeenka Gollaha ayaa ku dhawaaqay in kulanka oo xiran yahay, islamarkaana natiijada doodii ajandaheedu ahaa arrimaha amniga dalk lagu wareejinayo gudiyada amniga iyo difaaca, si ay uga soo tala-bixiyaan.

Gudoonka Gollaha ma mudeynin waqtiga ay qaadan doonto kasoo tala-bixinta nuxurka dooda ay ka sameeyeen in ka badan 50 xildhibaan, kuwaaso ku kala qeybsamay arinta amniga, oo qaar difaacay Xukuumadda, halka kuwa kale dhaliilo usoo jeediyeen.

Mudadii saddexda maalmood ee dooda socotay, Xildhibaano dhowr ah ayaa soo jeediyay in Gollaha Shacabka looga yeero Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Wasiiradda amniga, Gaashaandhigga iyo Taliye-yaasha Ciidamada, si su'aallo looga waydiiyo amniga.

Xildhibaano kale, oo si aad ah uga dhiidhiyay fashilka amni, ayaa ku baaqay inuu Is-casilo Madaxweyne Farmaajo, maadaama isaga uu yahay Taliyha guud ee Ciidamada qalabka sida. 

Doodda amniga ayaa ka dambeysay markii Xildhibaan Maxamed Mursal Barrow uu dhaawac culus kasoo gaarey qarax loogu xiray gaarigiisa, iyadoo lagula eegtay afaafka hore ee aqalka Madaxtooyadda Villa Somalia habeenkii sabtida ee lasoo dhaafay.

Al Shabaab oo laga saarey Muqdisho 2011, ayaa wali awoodda inay meel kasta oo kamid ah magaalada ka fuliso qaraxyo iyo dilal ay ku beegsanayso mas'uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda.

Tan iyo markii Farmaajo la wareegay talada dalka, waxa uu dhowr jeer isbedello ku sameeyay taliye-yaasha Ciidamada kala duwan, si uu wax uga qabto arrimaha amniga oo ah qodobka ugu weyn ee lagu dhaliilo dowladdiisa.

In ka badan 500 oo qof ayaa lagu dilay qaraxii Zoobe, 14-kii October 2017, kaasoo lagu eedeeyay Al Shabaab, inkastoo Kooxda aysan sheegin mas'uuliyadiisa.

Qaraxan oo Taariikhda baal-madow ka galay, islamarkaana noqday midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka ayaanan jirin wali wax jawaab ah oo dowladda Federaalka ah ka bixisay, marka laga soo tago Taliye-yaal xilalka laga qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM