Maxay salka ku haysaa booqashada Fahad Yaasiin ee Itoobiya?

Image

ADDIS ABABA – Agaasiimaha Madaxtooyadda Soomaaliya [Villa Soomaaliya], Fahad Yaasiin oo ay wehliyaan xubno katirsan dowladda Federaalka ayaa booqasho ku tagey todobaadkan dalka Itoobiya.

Booqashan Fahad oo ahayd mid qarsoodi ah, ayaa waxay salka ku haysay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya, Abiy Axmed.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Villa Soomaaliya ay ka walaacsan tahay xiriirka Abiy Axmed uu la sameynayo maamullada dalka iyo booqashooyin uu bishaan gudaheeda ku tagey dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo aysan isku fiicnayn dowladda FS.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa isku dayday inay dhex-dhexaadiso dowladda Federaalka iyo Imaaraadka markii uu xiriirkooda xumaaday, balse waxaa la sheegay qodobada heshiiskaas ka koobnaa ay jebisay Villa Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dib u celin waydey lacagtii Imaaraadka ee 8-dii April ay ku qabatey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo ay horey u balan-qaadey inay fasaxayso markii uu baaritaanka dhamaaday.

Fahad Yaasiin, oo xiriir dhaw la leh dowladda Qadar ayaa la sheegay inuu ka dambeeyo in dib loo celin waayo lacagta Imaaraadka oo cadadkeedu gaarayo $9.6 million taasi oo loo qoondeeyay Ciidanka dalka.

Abiy Axmed oo ah shaqsi aaminsan nidaamka Federaalka, oo dalkiisa uu ka jiro ayaa waxa uu dhawaan Addis Ababa kula kulmay Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland oo khilaaf kala dhaxeeya DFS.

“Xiriirka cusub ee uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed la sameynayo dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga wuxuu cabsi geliyay Villa Soomaaliya, waana sababtaasi mida uu Fahad booqashada ugu tagey Addis Ababa,” Qof u dhow Villa Somalia ayaa sidaasi Garowe Online u sheegay.

Shaqsisagn oo codsaday in aan magaciisa baahin ayaa sidoo kale sheegay in Fahad Yaasiin uu isku dayayo inuu hagaajiyo xiriirka dowladda Federaalka iyo Abiy Axmed, oo siyaasad ahaan ka duwan Ra’iisul Wasaarihii ka horeeyay Hailemariam Desalegn.

Farmaajo iyo Ra’isal wasaraha cusub ee dalka Ethiopia ayaa weli kulmin xilli tan iyo markii loo doortey xilkaan booqasho uu ku tagey dalalka Jabuuti, Kenya kuwasoo kamid ah wadamada ciidamada Nabad Ilaalinta ka joogaan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey uga codsaday dowladda Itoobiya xilligii uu talada dalkaasi hayay Hailemariam Desalegn inay joojiso qaabilaadda Madaxweyniyaasha maamul goboleedyada, islamarkaana ay wixii danaha ah oo ay Soomaaliya ka leedahay kala xiriirto dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM