Maxay salka ku haysaa booqashada Farmaajo ee China?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa ina Todobaadkan ay u ambabaxaan dalka China, iyadoo tani ay noqonayso safarkiisii ugu horeysay ee dalkan ku yaalla bariga Asia.

Macluumaad hoose oo Warsidaha Garowe Online ka helay Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweyne Farmaajo uu ka dambeeyay kadib markii lagu casuumey shirka Iskaashiga Africa iyo China ee "China-Africa Cooperation" (FOCAC).

Kulankan ayaa la filayaa inuu furmo Isbuuca soo socda, iyadoo uu socon doono 3-da illaa 4-ta bisha September ee 2018, waxaana ka qeyb-galaya hogaamiye-yaal ka socda 52 dal oo Africa ku yaalla, oo uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Inta uu ku sugan tahay China, Farmaajo ayaa kulamoo gaar-gaar ah la qaadan doona madaxda ka qeybgalaysa Shirka, kuwaasoo ay kawada hadli doonaan xiriirkooda laba geesoodka iyo sidoo loo adkeyn lahaa.

Dowladda China ayaa kamid ah dalalka taageerada siiya dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, waxaana ay safaarad ku leedahay Muqdisho, taasoo loo soo mariyo mashaariicda loogu tala galay Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM