Maxay salka ku heysaa booqashada Khayre ee Jabuuti?

Image
Image

JABUUTI - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa booqasho aan lasii shaacin ku tegay habeenimadii Arbacadda dalka Jabuuti, kadib markii uu kasoo qeybgalay Shirkii Gollaha Amniga Qaranka ee Baydhabo.

Khayre ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostada Cabdi Canshuur Xasan, Wasiirka Difaaca Maxamed Cali Xaga iyo xubno kale, oo labada golle katirsan.

Garoonka diyaaradaha Jabuuti ee Djibouti-Ambouli International Airport, ayaa waxaa Wafdiga Khayre kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi, Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kulamo uu la qaato saacadaha nagu soo food leh Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadli doonan arrimo badan, oo khuseeya xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya oo war kasoo saartay socdaalka Khayre waxay sheegay inay labada mas'uul kawada xaajoon doonaan adkeynta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood iyo arrimo labada dhinac muhiim u ah.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Khayre iyo Geelle ay qodobada ay kawada hadli doonaan ay kamid yihiin sidii Jabuuti uga caawin lahayn Soomaaliya inay xubin fir-fircoon ka noqoto Urur Goboleedka IGAD.

Sidaasi si lamid ah, wararka ayaa tilmaamaya inay jiri doonan heshiisyo ku saabsan dhanka Isgaarsiinta iyo Boostada iyo waliba dhanka ciidan oo labada dowladood ay kala saxiixan doonan.

Booqashadda uu Khayre ku tagay dalka Jabuuti ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhawaan Magaalada Jabuuti uu tegay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya, halkaasoo uu kula soo kulmay Madaxweyne Geelle. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM