Maxay salka ku heysaa booqashada Khayre ee Jabuuti?

Image
Image

JABUUTI - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa booqasho aan lasii shaacin ku tegay habeenimadii Arbacadda dalka Jabuuti, kadib markii uu kasoo qeybgalay Shirkii Gollaha Amniga Qaranka ee Baydhabo.

Khayre ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostada Cabdi Canshuur Xasan, Wasiirka Difaaca Maxamed Cali Xaga iyo xubno kale, oo labada golle katirsan.

Garoonka diyaaradaha Jabuuti ee Djibouti-Ambouli International Airport, ayaa waxaa Wafdiga Khayre kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi, Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in kulamo uu la qaato saacadaha nagu soo food leh Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadli doonan arrimo badan, oo khuseeya xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya oo war kasoo saartay socdaalka Khayre waxay sheegay inay labada mas'uul kawada xaajoon doonaan adkeynta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood iyo arrimo labada dhinac muhiim u ah.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Khayre iyo Geelle ay qodobada ay kawada hadli doonaan ay kamid yihiin sidii Jabuuti uga caawin lahayn Soomaaliya inay xubin fir-fircoon ka noqoto Urur Goboleedka IGAD.

Sidaasi si lamid ah, wararka ayaa tilmaamaya inay jiri doonan heshiisyo ku saabsan dhanka Isgaarsiinta iyo Boostada iyo waliba dhanka ciidan oo labada dowladood ay kala saxiixan doonan.

Booqashadda uu Khayre ku tagay dalka Jabuuti ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhawaan Magaalada Jabuuti uu tegay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya, halkaasoo uu kula soo kulmay Madaxweyne Geelle. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM