Maxkamad ayiday Xukun dil ah oo lagu riday Sarkaal Ciidan [Daawo]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa ayiday xukun dil ah oo horey loogu xukumay Korneel Cabdinaasir Xoosh Maxamed oo dilay Sarkaal kale.

Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa lagu helay inuu dilay Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ka tirsanaa Ciidamada Badda Soomaaliya bishii January ee sanadkan.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in Maxkamadda ay diiday racfaanka uu Cabdinaasir ka qaatey xukunkii ay ku riday Maxkamada 1aad.

20-kii bishii Febuary ee sanadkan, ayay Maxkamadda darajada kowaad ku xukuntay Gaashaanle sare Xoogga dalka Gaashaanle sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed xukun dil toogasho ah.

Liibaan Cali Yarow sheegay in markii la dhageystay doodii dhinacyada xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida iyo qareenkii difaacayay rafcaanlaha uu yahay danbiile galay danbigii lagu soo oogay.

Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ku raacday Xukunkii Maxkamada Darajada koowaad oo ahaa xukun dil ah oo loogu qisaasayo dilkii uu u geystay Marxuum Siciid Aadan Yuusuf (Mariino).

Cabdinaasir, oo 54-sano jir ah oo ka warbixiyay garsoorka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa qirtay in Xabad ka dhacday Bastoolad uu watay madaxa ka haleeshay Marxuum Siciid Mariino, sidaasina u geeriyooday.

Hoos ka Daawo Xukunka Maxkamadda:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM