Maxkamada Ciidamada oo 10-Sano ku xukuntay Jaajuus ka dambeeyay dilkii taliye Xasan Tuure

Image
Mucaawiye ayaa AS u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad.

Muqdisho, Soomaaliya - Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ka soo saaray labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge oo loo haystay ka mid ahaanshaha kooxda AS iyo Jaajuusida Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge Toban sano oo xabsi ciidan ah, Waxaana laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka.

Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee uu ku dhintay Abaanduullihii Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure), sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka ee dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca iyo in aysan hawada ku jirin Diyaaradaha (Drones),

Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horimood oo Ciidanka gaarka ah ee Danab kamid ah, isaggoo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howlgalada uu u dusiyo AS, uuna wakiil kaga ahaa Cabdullaahi Cabdi Cumar (Cabdullaahi Hiiraan) iyo Muxudiin Maxamuud Cabdi (Muxudiin Turki).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM

Maxaa kusoo kordhay Weerar Al-Shabaab ee Xabsiga Sirdoonka ee Godka Jilicow?

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan 7-dii weerarka qaaday la dilay.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 05:25AM