Xubin Daacish ah oo dil toogasho loogu riday "khaarijin uu geystay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay dil toogasho ku xukuntay Aadan Maxamed Cali.

Cali oo 27-sano jir ah ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in uu dilal ka geystay magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho, dhamaadka sanadkii 2018 iyo horaanta 2019.

Shaqsigan ayaa waxaa la toogan doonaa hadii fursad racfaan oo uu haysto ay ka biyo diidaan xeer-beegtada racfaanka.

Toogashooyinka uu ruuxan ka fuliyay xarunta gobolka Bari ayaa la xusay in mid kamid ah uu ku beegsaday taliyihii ilaalada Madaxtooyada Puntland Boosaaso.

Dhanka kale, maxkamadda ayaa waxay xorriyadiisa u celisay Cabdishakuur Xaaji Barsanji, kaasi oo 25-sano jir ah.

Barsanji oo lala soo qabtay xukunsaha ayaa waxaa lagu waayay in uu wax kaalin ah uu ku lahaa falalka khaarijinta ah ee lagu soo oogay Cali.

Inta badan maxkamada milatariga Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira dilal iyo xabsiyo waxay ku ridaa rag lagu eedeeyay AlShabaabnimo iyo Daacishnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM