Maxkamada Ciidamada oo ku dhawaaqday xukunka askar dhac gaysatay

Image
Eedeysaneyaasha ayaa lagu eedeeyay burcadnimmo hubeysan iyo dhac.

Muqdisho, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan ku riday askar ka tirsan Ciidanka xoogga dalka kuwaas oo caadeystay inay dhac geystaan, sida lagu cadeeyay.

Dableydan ayaa si wadajjir ah loogu soo eedeeyey burcadnimmo hubeysan iyo dhac ay ka geeysteen degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dable Axmed Cali Maxamed, Dable Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, Dable Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed oo labaduba shacab ah, ayaa taleefano iyo lacago ka qaatay dad isugu jira shacab iyo askar aan xilligaasi hubeysaneyn oo shaqada fasax ka ahaa.

Waxay dhaawac u geeysteen qaar ka mid ah dhibaneyaasha, waxaana eedeysaneyaasha ay falkaan ku geysteen hal qori oo Ak47 ah oo uu lahaa Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed.

Dhaca ka dib Eedeysaneyaasha ayaa tagay Guriga Eedeysanaha koowaad Axmed Cali Maxamed, si ay u qeybsadaan taleefanada iyo Lacagihii ay soo dhaceen, ugu dambeynna waxay isku qabsadeen sida loo kala qaadanayo, halkaasna waxaa ka dhashay buuq ku dhowaaday gacan ka hadal.

Intaasi kadib Dable Axmed Aabihiis oo guriga ku sugnaa, ayaa ku soo baxay buuqa eedeysaneyaasha, markii uu arkay in wiilkiisa iyo saaxiibadiis ay isku heystaan, iskuna dagaaleen taleefanada iyo lacagtii ay soo dhaceen, ayaa waxa uu wacay Ciidanka Booliska degmada Afgooye, isaggoo ku war geliyey falka ay ku kaceen.

Maxkamada Ciidamada ayaa markii dambe ku xukuntay Eedeysaneyaasha xarig u dhaxeeya 5 ilaa 8 Sano, sidoo kale waxaa lagu xukumay dhammaan inay bixiyaan Taleefanada iyo lacagihii ay dhaceen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM