​Maxkamadda ICJ oo dhageysanaysa dacwad la xiriirta Badda Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada (International Court of Justice)oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa  Beri 19 September, 2016 la filayaa inay billowday dhagaysiga dacawad la xariirta Muran ka taagan Badda Somalia oo u dhaxaysan dalalka Kenya iyo Somalia.

Wafdi ka socdo dowladda Somalia, oo ay kamid yihiin Qareeno  ajnabi ah oo kala ah Paul Reichler oo u dhashay dalka Mareykanka iyo Prof Allain Pellet oo kasoo jeedo France ayaa ku sugan Magaalada Hague.

Dhanka Kenya, waxaa hogaaminayo Wafdigeeda Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalkaasi Githu Muigai,  waxaana la socda qarenno uu kamid yahay Karim Khan oo kasoo jeedo dalka Ingiriiska

Dalalka Kenya iyo Somalia ayaa aad ugu muransan Dhul-badeed ballaaran oo xuduuda ku yaalla, kaasi oo ay ku jiraan shidaal iyo Kheyraad kale, oo midba midka kale sheeganayo lahaan-shihiisa.

Bishii August 28, 2014, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u gudbiyay Maxkamadda ICJ, oo ah xafiis katirsan UN-ka, kaasoo qaabilsan Dacwadaha dhanka xuduudaha.

Dacwada uu Beyle u gudbiyay ICJ ayaa waxaa ku jiro in Kenya ay siisay Shirkada Eni SPA , ee laga leeyahay Dalka Taliyaaniga 2012, iyadoo dhul badeedkaasi oo 3 Baloog ah uu kamid ah yahay Biyaha Somalia.

Somalia waxa ay rabtaa in marka la xadeeynayo badda, in loo fiiriyo dhulka ku dhow lalana simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la sameeyo xariiqin dheer oo kala barta badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah mudanayaasha Barlamanka Somalia, ayaa Radio Garowe u sheegay inay natiijo wanaagsan ka sugayaan doodda taagan, isagoo waxaan macquul ahayn ku tilmaamay in Kenya oo iminka haysata dhul Somalia katirsan ay ku darsato biyaheeda.

Dalxa, ayaa sababta Kenya biyaha Somalia u sheegatay ku tilmaamay mid la xiriira bur-burka dalka ka taagan iyo tabar-darrada haysatada dowladda, wuxuuse rajo ka muujiyay inay soo noqon doonton awooddi dalkan dagaalladu la dageen.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Somalia, Axmed Cali Daahir, oo kamid ah wafdiga doodaasi ka qayb galaya, ayaa ku adkaystay in biyaha lagu muransanyahay iska leeyihiin dalka Somalia, sidaas awgeed gaashaanka ku dhufteen rabitaanka ka imaanaya dalka Kenya.

“Kenya waxeey tiri muranka badda waxaa ka  wadahadlaya Kenya & Soomaaliya, looma baahna in Maxkamadda caalamigu soo farageliso, Dowladda Soomaaliyana arrintaasi gaashaanka ayeey u daruurtay,  maadaama kulamo badan oo labadda dal horay u dhexmartay lagu guuleysan waayey,” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Inta badan Dacwadaha lageeyo maxkamada ICJ waxa ay qaadan karaan in go'aan laga gaaro sannado badan, waxaana Somalia iyo Kenya Dacwadooda laga yaabaa inay socoto mudo dheer.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM