Maxkamadda Sarre ee Ciidamada oo ayiday xukuno lagu riday askar

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Maxkamadda Sarre ee Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah waxay ayiday xukuno dil toogasho ah oo lagu riday askar ka tirsanaa xoogaga Koonfur Galbeed.

Xuseen Cali Macalin Iimaan oo ka tirsanaa Daraawiishta iyo Cabdiwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu soo eedeeyay dilka Muxiyadiin Maxamed Cabdiraxmaan.

Marxuumka ayaa sanadkii tegay ee 2018-kii waxaa lagu naf-gooyay magaaladda caasimadda ku meel gaarka ah ee Baydhabo, ahnna xarunta gobolka Bay.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cali Xuseen oo ka tirsanaa nabad-sugida dowlad goboleedkaasi ayaa isana lagu helay dambiga ah in uu "si ola kac ah" u khaarijiyey marxuum Maxamed Cali Maxamed.

Go’aanka maxkamadda sarre ayaa wuxuu yimid ka gedaal markii ay shaqsiyaadkan rafcaan ka qaateen xukunkii ay garka u gelisay Maxkamadda Darajadda Koowaad ee ciidamada.

Inta badan maxkamaddaha milatariga ayaa waxaa la horgeeyaa askarta dowladda ee ku lug-yeesha fal-dambiyeedyada ay kamid yihiin dilka shacab ama mid dhexdooda ah.

Sidda ku xusan warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay, askarta Soomaaliya ayaa kaalinta labaad uga jira dilalka sanadihii u dambeeyay ka dhacay dalka, iyada oo ay koowaad tahay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM