Maxkamadeynta CC Shakuur oo dib loo dhigay [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa dib loo dhigay Maxkamadeynta Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta oo Arbaco ah lagu waday in markale ka furanto Maxkamadda gobolka Banaadir.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in sababo isbiirsaday ay horseedeen dib u dhaca wajiga labaad ee dhageysiga dacwada lagu soo oogay CC Shakuur oo maxbuus u ah dowladda Soomaaliya maalintii 3aad.

Sababta ugu weyn ayaa ah in Maxkamadda gobolka Banaadir ay la daahday warqadda Xeer Ilaalinta qaranka loogu qabtay mudada 24-ka saac inuu ku keeno cadeymo lagu qanci karo.

Waxaa kaloo jira warar sheegaya inuu socdo dedaallo kale oo la doonayo in kiiska CC Shakuur lagu dhameeyo qaab kale oo xeer jajab ah taasi oo ay ka shaqeynayaan siyaasiyiin, Xildhibaano iyo wasiiro katirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre.

Maxkamadda ayaa lagu soo waramayaa inay la kulmayso cadaadis kadib markii shalay ay ka biyo diiday in mudo 5 illaa 7 maalmood ah siiso Xeer Ilaalinta si ay usoo dhamaystiraan cadeymahooda denbiga ay kusoo oogeen Siyaasiga xiran.

Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa shalay ugu hanjabay Xeer Ilaaliyaha iyo saraakiishii soo xiray CC Cabdishakuur in iyaga dacwad kusoo oogi doonto, hadii ay keeni waayaan cadeymo rasmi ah, lana sii deyn doono Mas’uulka ay soo xirteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM