Mas'uuliyiin loo haysto musuq oo maxkamad lagu soo taagay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah shaqsiyaad ay mas'uuliyiin ku jiraan kana tirsan Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.

Agaasimaha guud iyo Agaasimaha maaliyada wasaaradda ayaa kamid ah xubnaha maxkamadda kasoo hor-muuqday isla maanta oo dhamaantooda wajahaya dacwad ku saabsan in ay ku kaceen musuqmaasuq.

Eedeysaneyaasha ayaa loo haystaa dhaqaalo ka yimid deeq-bixiyeyaasha caalamka oo loogu talagalay ka hortagga Covid-19.

Wararka ayaa intaas ku daraya in tiradda guud ee eedeysaneyaashu ay tahay tobban ruux oo ay ku jiraan agaasimeyaasha.

Xafiiska Hantidhowraha guud ee Qaranka ayaa lagu waramay in uu baaritaan ku hayey xubnahaan, labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Lama ogga inta ay qaadan dhageysiga dacwadda. Hase ahaatee, waxaa la wariyey in ay xukuno xabsi wajihi doonan hadii lagu helo.

Bishii April ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii qaar kamid ah eedeysaneyaasha xabsi loo taxaabay, wallow qaarkood dib loo daayey.

Ku tagrifalka hantida dadweynaha ayaa la aaminsan yahay in ay kamid tahay dhibaatooyinka ragaadiyey dowladnimadda Soomaaliya taasoo ku lug-leeyihiin mas'uuliyiin xilal sarre ka haya hay'adda fulinta waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM