MG Soomaaliya oo dowlad kale ka dhinac dhisey Dowlada Federaalka ah

Image
Image
Image

GAROWE- Madaxda maamulada Soomaaliya oo kulan ku lahaa maalmihii lasoo dhaafey magaalo Madaxda Puntland ee Garowe ayaa qoraal ay soo kasoo saareen 25 October,2019  waxay gabi ahaan shaki galiyeen jiritaanka Dowlada Federalka ee hadda talada haysa.

Qoralkaan oo ka koobnaa 15 qodob ayaa marka la fasiro waxaa ka muuqda iney madaxda maamulada kuwasoo qaarkood xilku kasii dhamaanayo ku dhawaaqeen in dowlad ka dhinac dhiseen Dowlada Madaxdweyne Farmaajo (Prallel government) ee iminka xilka haysa.

Qodobada muhiimka ah ee shaki galinaya sharciyada Dowlada Federaalka ah ee iminka talada haysa ayaa waxaa kamid ah;

1- In la abuuro qorshe iyo Hanaan amni oo dhab ah kaasoo ay ku mideysan yihiin Dowladaha maamulada goboleedyada Soomaaliya kaas oo mas’uuliyada fulintiisa iyo maalgalintiisa yeelanayaan.

2- Dhismaha golaha amniga maamulada kaasoo aan aheyn midka hadda jira oo hadda Dowlada Fedralaka qayb ka tahay.

3-In la dhiso ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 1000 askari kuwasoo si wadajir ah u howlgalaya.

Siyaasi Cabdiraxman Cabdi Shakur oo hadal kooban ka qorey warmurtiyeedaka maamulada ayaa ku tilmaamey mid kalsoonidii lagala noqdey dowlada Federaalka, hadal uu uu soo dhigey bartiisa Facebook waxaa uu u qoraa sidatan: 

Dhinaca kale kulanka golahaan ayaa waxaa kasoo baxay iney ku dhawaaqaan Xisbi siyaasadeed kaas oo ay ugu magacdareen Horusocod waxayna Gudoomiye ugu doorteen Madaxweynaha Puntland ee waqtigu ka sii dhamanayo halka golaha maamuladaan ku mideysan yihiin Gudoomiye loogu doortey Madaxweynaha Koonfur Galbeed kaasoo doorashada madaxtinimo ee maamulkiisa ka dhiman tahay muddo 20 cisho ka yar.

Kulankaan ayaa waxa iyadana kasoo baxay qodob kale oo muhiim ah, kaasoo shaki galinaya jiritaanka Dowlada Federalka Soomaaliya. Qodobkaas ayaa ah ku dhawaaqista shirweyne qaran, waxayna ku martiqaadeen dhamaan xisbiyada mucaaradka ah iyo qaybaha kale ee bulshada waxaana muddo bil ah ay xuseen in lagu  qabanayo xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusomareeb.

Warmurtiyeed ayaa ku soo beegmaya sidoo kale xilli Dowlada Federalka dhowaan magacowdey guddi ka kooban golle wasiiro oo kala shaqeeya aqalka sare khilaafka madaxda maamulada iyo Villa Somalia u dhexeeya.

Warmuriteedkaan ayaa lagu eedeeyey doorka Beesha caalamka ka qaadatey khilaafkaan taagan, waxaana ka muuqdey in aysan taageero ka helin maamul goboleedyada.

Talaabada Madaxweyne Gaas madaxda ugu noqdey xisbigaan ayaa dad badan oo Siyaasada la socda sheegayaan iney tahay albaabkii uu uga sii baxi lahaa hogaanka Puntland kasoo mudadii uu hayey ku guuldareystey.

Cabdiweli Gaas ayaan weli ku dhawaaqin inuu musharax u yahay xilka Madaxweynaha Puntland kaasoo doorashadiisu dhaceyso January 2019.

Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo ayaa jecel inuu korirsiimo u helo xilli madaxeedka ka sii dhamaanaya si danihiisa siyaasadeed u gaaro balse dastuurka Puntland uma saamaxayo. Mudadii uu xilka hayey Gaas waxaa uu qodobo masiiri ah kuwasoo xal lagaga gaari lahaa khilaafyada taagan ayuu dano shaqsi iyo kuwa siyaasadeed kaga iibsadey madaxdii Fedraalka ee xiligaas talada haysay sida Xasan Shiikh. 

Gaas ayaa Siyaasada Soomaaliya soo galay kadib markii Madaxweyhaha Dowlada Federalka ee hadda talada haya u magacaabey xubin kamid ah golihiisa Wasiirada sanadkii 2010. Cabdiweli Gaas ayaa muddo sanad ah ka noqdey RW Soomalaiya kadib markii uu xilka kala wareegey Farmaajo June 2011. 

Halkaan ka akhri Warmurtiyeedka madaxda maamulada 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM