Michael Keeting oo Booqdey Kismayo

Image

KISMAYO: Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta booqasho ku taagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Keating oo ay wehliyeen xubno kale oo beesha caalamka ka tirsan ayaa magaalada kula kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo madaxda kale ee mamaulka Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadlay kadib kulankii uu la qaatay Keating ayaa sheegay inuu qaatay go’aamadii ka soo baxay shirkii madasha Wada-tashiga ee jaan gooynayay hanaanka ay ku qabsoomi doonto doorashada 2016ka.

Xubnaha beesha caalamka ayaa ku soo wajahan Puntland kuwasoo dadaal ugu jira sidii loo aqabali lahaa go'aankii dowlada Federaalka qaabka doorasho ee Somalia kaasoo tageero ka heley qaramada midoobey.

Halkan ka dhageyso warka la xiraara booqashadaas.

VOA+GRAOWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM