Mid kamid ah Ergadii doorashada oo lagu dilay Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Gareyn, kana mid ahaa Ergadii wax kasoo dooratay Baarlamaanka hadda ee dowladda Federaalka ayaa lagu dhex-toogtay Goobtiisa ganacsi, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Maxamed Nuur Dabaashe ayaa shaaca ka qaaday in falkaan ay fuliyeen labo ruux oo ku hubeysan bastoolada, kuwaasoo falkaan khaarijinta ah kadib ka bax-saday goobta.

Dabaashe hadalkiisa ku daray inay wadaan howlgalo ay baadi-goobayaal gacan ku dhiig-layaashii ka dambeeyay falkaan Khaarijinta, kaasoo lagu kacay Nadoonka oo sidoo kale ahaa, Ganacsadde.

Waxa uu Afhayeenka intaasi ku daray in ciidamada amaanka ay cadaaladda horkeeni doonan hadii ay usuuragasho inay soo qabteen Ragii Marxuum Gareyn naf-gooyay, si iyaga mudankooda loo marsiiyo.

"Isagoo iska ganacsanaya ayay dileen, waxaana dhihi karaa waxay kamid tahay falalka arxan darada ah oo ay ku dhaqmayaan kuwa dilalka caadeystay ayaa ka dambeeya, waa Al-Shabaab, waana soo qaban doonaa," ayuu yiri Afhayeenka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda falkaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa horey ugu goondisay inay beegsan doonto dhamaan xubnihii ka qeybqaatay soo xulista Mudanayaasha Baarlamaanka.

Marxuum Cabdi Cali Gareyn, ayaa kamid ahaa Ergadii Xilldhibaanadda Baarlamaanka Federaalka kusoo dooratay Magaalada Jowhar ee xarun goboleedka Shabeellaha Dhexe, iyo mida HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM