Midowga Africa oo Axmed Madoobe kala hadlay doorashadda Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Midowga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Francisco Madeira ayaa kulan la qaatey Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Francisco Madeira ayaa sidoo kale ah madaxa howlgalka AMISOM ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay doorashada Jubbaland ee bisha August ay u dhacdo si nabdoon, oo xor iyo hufnaan ah.

“Waxaan u xaqiijiyay Madaxweyne Axmed Madoobe in AMISOM ay diyaar u tahay inay ka taageero Jubbaland dhinaca amaanka doorashadda,” ayuu yiri Francisco Madeira.

Wakiilka AU ayaa dhanka kale beeniyay warar sheegaya in ciidamada AMISOM ay faarujiyeen Garoonka diyaaradaha Kismaayo, islamarkaana ay la wareegeen ciidamo ka socda dalka Itoobiya.

Dhankiisa, Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maamulkiisa uu wadashaqeyn dhaw kala dhaxeyso AMISOM, islamarkaana ciidamada Midowga Africa ay ka caawinayaan qabashada doorasho si nabad ah ku dhacdo.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu magacaabey Gudi ka shaqeeya in doorashada ay dhacdo waqtgeeda, oo ah bisha August ee sanadkan, xilli uu jiro walaac ku saabsan inuu dib u dhac ku yimaado.

Doorashada Jubbaland ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaaf siyaasadeed uu Axmed Madoobe kala dhaxeeyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu ku eedeeyay inay faragelin ku hayso maamulka uu hogaamiyo.

Warar ayaa sheegay in madaxda Villa Somalia ay wadaan qorshooyin ay meesha kaga saarayaan Axmed Madoobe, iyadoo loo marayo in Kismaayo loo diro Musharixiin jeebkooda dheer yahay oo kula tartama doorashada.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed ee bishii December 2018, taasoo uu kusoo baxay Lafta Gareen, oo wasiir ka ahaa Xukuumadda Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM