Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Image
Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ansixiyeen lacag dhan 116.9 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

"Lacagahan oo ay ansixiyeen Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Golaha Midowga Yurub Talaadadii, ayaa lagu taageerayaa hannaanka kala guurka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo qaybta milateri ee Ciidanka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS)," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee EU.

Midowga Yurub ayaa intaas ku daray in ay ku dari doonaan 74.4 milyan oo dollar loogu talagalay ATMIS sanadihii hore iyo 42.5 milyan oo dollar oo loogu talagalay ciidamada Soomaaliya.

"Labada ficilba waxay ujeedadoodu tahay inay gacan ka geystaan ​​wareejinta mas'uuliyadda amniga ee ATMIS taasoo ay la wareegayaa ciidamada Soomaaliya," ayaa la raaciyay bayaanka.

EU-da ayaa tibaaxdey in lacagahan ay u oggolaanayaan ciidamadda ATMIS inay gutaan waajibaadkooda iyadoo la xoojinayo awoodda ay ciidamada Soomaaliya u leeyihiin sugida nabad-gelyadda

Sannadkii 2023-kii, ATMIS waxay billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, iyadoo u hoggaansantay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM