Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Image
Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ansixiyeen lacag dhan 116.9 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

"Lacagahan oo ay ansixiyeen Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Golaha Midowga Yurub Talaadadii, ayaa lagu taageerayaa hannaanka kala guurka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo qaybta milateri ee Ciidanka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS)," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee EU.

Midowga Yurub ayaa intaas ku daray in ay ku dari doonaan 74.4 milyan oo dollar loogu talagalay ATMIS sanadihii hore iyo 42.5 milyan oo dollar oo loogu talagalay ciidamada Soomaaliya.

"Labada ficilba waxay ujeedadoodu tahay inay gacan ka geystaan ​​wareejinta mas'uuliyadda amniga ee ATMIS taasoo ay la wareegayaa ciidamada Soomaaliya," ayaa la raaciyay bayaanka.

EU-da ayaa tibaaxdey in lacagahan ay u oggolaanayaan ciidamadda ATMIS inay gutaan waajibaadkooda iyadoo la xoojinayo awoodda ay ciidamada Soomaaliya u leeyihiin sugida nabad-gelyadda

Sannadkii 2023-kii, ATMIS waxay billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, iyadoo u hoggaansantay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM